RASMI: Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka AS Roma Iyo Los Blancos oo U Duushay Caasimada Rome.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu caawa kala hor tagi doono kooxda AS Roma. Real Madrid ayaa caawa ciyaari doonta kulankooda ugu danbeeya ee diyaar garowga xili ciyaareedka cusub.

Zidane iyo kooxdiisa Madrid ayay muhiim u tahay in ay caawa kulan adag la ciyaari doonaan kooxda AS Roma si ay diyaar garow buuxa ugu sameeyaan kulanka horyaalka La Liga ee ay ku furan doonaan xili ciyaareedka cusub kaas oo ay marti u noqon doonaan kooxda Celta Vigo.

Liiska ciyaartoyda Real Madrid ee u safray magaalada caasimada Rome waxaa ka maqan kabtanka Sergio Ramos kaas oo tababarkii shalay seegay isla markaana awoodi kari waayay in uu ciyaartoyda kooxdiisa ula safro kulanka Roma.

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababaraha PSG Ee Thomas Tuchel Oo HAL SHURUUD Ku Xidhay Bixitaanka Neymar JR Xilli Barcelona & Real Madrid Ay Dhagtu U Taagan Tahay.

Marco Asensio oo isna qaliin maray dhawaan isla markaana waqti dheer garoomada ka maqnaan doona ayaan sidii la filayay liiskan ku soo bixin.

Saxiixyada cusub ee Militao, Luka Jovic iyo Eden Hazard ayaa dhamaantood liiskan ku soo baxay iyada oo xidiag aan mustaqbalkiisa la xalin ee Gareth Bale uu liiskan qayb ka yahay.

Zidane ayaa ku qasbanaan doona in saxiixa cusub ee Militao uu difaaca dhexe kula soo bilaabi karo Varane inkasta oo Nacho uu rajaynayo in uu boos ka helo difaaca dhexe.

Liiska Ciyaartoyda Real Madrid ee Rome u duulay:

Goolhayayaasha: Keylor Navas, Thibaut Courtois, Fuidius,

Difaacyada: Dani Carvajal, Militao, Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola

SIDOO KALE AKHRISO:  Zinedine Zidane Oo Taleefanka Ka Wacay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool Si Uu U Keeno Real Madrid

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Valverde, Isco

Weerarka:  Eden Hazard, Karim Benzema, Gareth Bale, Lucas Vazguez, Vinicius Jr, Luka Jovic

Muuqaalka ciyaartoyda Real Madrid markii ay Rome u baxayeen.

Zidane ayaan wali dareensanayn in ay kooxdiisu diyaar buuxa u tahay xili ciyaareedka cusub isaga oo si wayn u doonayay saxiixa Pual Pogba balse hadda waxay Madrid dagaal ugu jirtaa sidii ay Neymar Jr ku keeni lahayd.