RASMI: Xulka Qaranka Senegal Oo U Soo Baxay Koobka Aduunka, Sadio Mane & Diafra Sakho Oo Door Muuqda Ka Ciyaaray Guushii Ay South Afrika Ka Gaadheen.

 

Xulka qaranka ayaa u soo baxay koobka aduunka ee Russia 2018 kadib markii ay guul 2-0 ah ka soo gaadheen dhigooda South Afrika waxayna Senegal noqdeen qarankii saddexaad ee qaarada Afrika ka tirsan ee koobka aduunka tikidhka u goostay waxaana ka horeeyay xulalka qaramada Masar iyo Nigeria.

Xulka qaranka Senegal ayaa ka faa’iidaystay fursad qariib ah oo aan FIFA looga baran kadib markii dib loo ciyaaray kulan sanad ka hor ay South Afrika 2-1 ku garaacday Senegal markaas oo garsooraha ree Ghana ee Joseph Lamptey lagu eedeeyay in uu South Afrika u sameeyay cadaalad daro rekoodhe aan jirin waxayna FIFA soo saartay go’aanka kulankan markale dib loogu ciyaaray iyada oo waliba garsoore Joseph Lamptey lagu soo rogay ganaax noloshiisa aanu kulan danbe dhex dhexaadin doonin.

Laakiin Senegal ayaa ka soo kabsatay cadaalad daradii garsoore Joseph Lamptey uu ku sameeyay sanad kahor markii ay guuldarada kala soo laabteen South Afrika waxayna Senegal goolka furitaanka heleen daqiiqadii 12 aad markii uu Sadio Mane caawin u sameeyay gool dhaliyaha qarankiisa iyo kooxda West Ham United ee Diafra Sakho kaas oo si degan u dhaliyay goolka furitaanka.

Laakiin Senegal ayaa caawin ka sii heshay South Afrika kadib markii uu goolka labaad iska dhaliyay Thamsanqa Mkhize taas oo keentay in Senegal ay heshay laba dhibcood oo kaliya oo ay kulankan uga baahnayd si ay ugu soo baxaan koobka aduunka ee Russia ka qabsoomi doona.

Senegal ayaa Group D ku qabtay dhibco ayna soo gaadhi karin qaramaa ay ku wada jiraan inkasta oo waliba ay talaadada soo dhawayn doonaan isla xulka qaranka South Afrika ee ay guusha ka soo gaadheen iyada oo kulanka Dakar ka dhici doonaa aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin Senegal oo haddaba calankooda ka tagtay Russia.

Xulka qaranka Senegal ayaa noqday xulkii 24 aad ee xaqiijistay ka qayb galkiisa koobka aduunka waxaana jiri doona 8 xul qaran oo ku soo biri doona ka hor inta aan la samayn isku aadka koobka aduunka iyada oo qaarada Afrika ay ka soo bixi doonaan laba xul qaran oo kale.

Rajadii xulka qaranka Italy ee ka qayb galka koobka aduunka ayaa halis wayn sii gashay kadib markii ay guuldaro kala soo laabteen Sweden ee kulankii lugtii hore ee kulamada Play-offka iyada oo gool Jakob Johansson uu u dhaliyay Sweden ay guul kaga gaadhay Italy laakiin xulka qaranka Croatia ayaa u muuqda in ay haddaba labada lugoodba kula sii jiraan koobka aduunka.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo dhaktar kooxdiisa ka tirsan raaciyay Sadio Mane ayaa haddaba helaya war fiican maadaama oo Senegal ay u soo baxday koobka aduunka iyada oo Mane uu ka badbaaday cadaadiskii badnaa ee qarankiisa uu ka dareemayay si uu koobka aduunka ugu soo saaro.

 

Comments

comments