RASMI: Xidiga Kooxaha Yurub U Waalanayaan Ee Joao Felix Oo Loogu Yeedhay Xulka Qarankiisa Portugal Ee Isreeb Kulamada UEFA Nations League & Reebka Euro 2020.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa abaal marin wayn u sameeyay da’yarka sida wayn ay kooxaha Yurub u baadi goobayaan ee Joao Felix.

Joao Felix oo ka tirsan kooxda Benfica ayaa lagu abaal mariyay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu sameeyay waxaana  looga yeedhay kooxda seniorka xulka qarankiisa Portugal isaga oo diyaar u ah in uu kulankiisii ugu horeeyay safto isreeb reebka si uu horumarkiisa heer kale ugu qaado.

Joao Felix ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Yurub ugu waa wayn gaar ahaan kooxaha Manchester United, Manchester City,Real Madrid, Juventus iyo kooxo badan oo kale.

Joao Felix ayaa nasiib u yeeshay in Cristiano Ronaldo uu kula soo baxay liiska xulka qaranka Portugal ee uu magacaabay Fernando Santos.

Xulka qaranka Portugal ayaa Switzerland la ciyaari doona afar dhamaadka UEFA Nations League marka ay taariikhdu tahay June 5 laakiin sidoo kale waxay ciyaari doonaa kulamada isreeb reebka Euro 2020.

Laakiin liiska 23 ka ciyaartoy ee xulka qaranka Portugal waxaa seegay Andre Silva kaas oo dhaawac ku maqnaa mudooyinkii ugu danbeeyay.

Liiska Xulka Qaranka Portugal ee uu Fernando Santos Magacaabayl:

Beto (Goztepe), Jose Sa (Olympiacos), Rui Patricio (Wolves); Joao Cancelo (Juventus), Ruben Dias (Benfica), Jose Fonte (Lille), Raphael Guerreiro (Borussia Dortmund), Pepe (Porto), Mario Rui (Napoli), Nelson Semedo (Barcelona);

William Carvalho (Real Betis), Bruno Fernandes (Sporting CP), Joao Moutinho (Wolves), Ruben Neves (Wolves), Danilo Pereira (Porto), Pizzi (Benfica); Joao Felix (Benfica), Goncalo Guedes (Valencia), Diogo Jota (Wolves), Cristiano Ronaldo (Juventus), Bernardo Silva (Manchester City), Rafa Silva (Benfica), Dyego Sousa (Braga)