RASMI: Xidiga Gadoodsan Ee Riyad Mahrez Oo Aan Ka Hor Iman Doonin Kooxdii Loo Diiday In Uu Ku Biiro Ee Man City Iyo Sababta Ka Danbaysa.

Tababaraha kooxda Liecester City ee Claude Puel ayaa xaqiijiyay in xidiga kooxdiisa ee Riyad Mahrez aanu sabtida ciyaari doonin kulanka ay Manchester City ka hor iman doonaan. Riyad Mahrez ayaa shaqo joojin buuxda ka sameeyay Leicester City wuxuuna seegay shan tababar oo ay ciyaartoyda kooxdiisu qaateen tan ioy markii ay maamulka kooxdiisu maalintii suuqa kala iibsiga ugu danbaysay ay ka hor joogsadeen in uu Manchester City ku biiro.

Riyad Mahrez ayaa galay xaalada madax xanuun ah kadib markii ay Manchester City afar dalab oo kala duwan ay ka gudbisay si ay Etihad Stadium u keensato, laakiin maamulka Leicester City ayaa meel adag iska taagay in Mahrez uu baxo inkasta oo lacag 60 milan gini ka badan ay City ku dalbatay.

Dad ku dhaw xidiga ree Algeria ayaa sheegay in xaalada xun oo murugo badan uu galay markii uu soo xidhmay suuqii bishii January isla markaana uu tan iyo markaas ka maqnaa xarunta tababarka leicester City isaga oo shaqo joojin buuxda sameeyay.

Haddaba tababaraha kooxda Liecester City ee Claude Puel oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Manchester City ayaa cadeeyay in Mahrez aanu ka hor iman doonin kooxdii loo diiday in uu ku biiro ee Manchester City maadaama oo aanu maskax ahaan xaalad fiican ku jirin.

Claude Puel oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan rajaynayaa in uu maskaxdiisa sixi doono oo uu anaga dib noogu soo laaban doono isla markaana uu si adag u shaqayn doono. Habka ugu fiicani waa in aad soo laabto oo uu ku raaxaysto kubbadiisa cagta”.

Claude Puel oo xaalada Riyad Mahrez dajinaya balse xaqiijinaya in uu wali gabi ahaanba kooxdiisa ka sii maqan yahay ayaa yidhi: “Riyad waa ciyaartoy heer sare ah, waxa uu jecel yahay kubbada cagta, waxa uu jecel yahay xidhiidhka uu la leeyahay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin, waxa uu ku raaxaystaa kubbadiisa cagta, waxaan filayaa in uu u baahan yahay in uu soo laabto oo uu ciyaaro, kubbadana taabto”.

Claude Puel ayaan adeega Riyad Mahrez ku xisaabtami doonin kulanka sabtida ee Manchester City taas oo dhibaato wayn ku ah Foxes iyada oo wali xidiga ree Algeria uu ka cadhaysan yahay sababta isaga loogu diiday in uu King Power Stadium ka baxo iyada oo hore loogu ogolaaday N’Golo Kante iyo Danny Drinkwater.