RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Yurub Ee UEFA Oo Si Rasmi Ah U Wada Shaaaciyay Dhamaan Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona Kulamada Talaadada Iyo Arbacada Ee Champions Leaque-ga.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyay garsoorayaasha dhex dhexaadin doona kulamada afraad ee Champions Leaque ee talaadada iyo arbacada la ciyaari doono. Kooxaha qaar ayaa haysta fursada ay wareega 16 ka kooxood ugu soo bixi karaan haddii ay guulaystaan kulamada la ciyaari doono usbuucan waxaana jira kooxo ay xaaladu ku sii xumaan doonto haddii ayna guulo gaadhin.

Kulamada talaadada la ciyaari doono ayaa la mid ah kulamadii ugu danbeeyay ee kulamadii saddexaad ee Champions Leaque la soo ciyaaray iyada oo waxa kaliya ee isbadalayaa uu yahay in kooxihii martida ahaa ay garoomadooda ku ciyaari doonaan.

Manchester United ayaa Old Trafford ku soo dhawaynaysa kooxda Benfica oo ay kulankii ugu danbeeyay guul ka soo gaadhay waxayna Red Devils haysataa fursada ay wareega 16 ugu soo bixi karto. axaana garsoore ka noqo doona kulankan Gediminas Mažeika oo ah garsoore ka soo jeeda dalka Lithuani.

Kulanka ay Barcelona booqnayso kooxda Olympiakos ee isla talaadada la ciyaari doono waxaa loo xilsaaray garsooraha horyaalka Premier Leaque ka hawl gala ee Anthony Taylor kaas oo isna ka soo jeeda dalka Englanka halka kulanka AS Roma iyo Chelsea uu dhexda u gali doono garsoore ree Sweden ee Jonas Eriksson. Barcelona iyo Chelsea ayaa labaduba haysta fursada ay usbuucan ugu soo bixi karaan wareega 16 ka kooxood UCL.

Kulanka ay PSG garoonkeeda Parc des Princes ku soo dhawayn doonto kooxda Anderlecht waxaana kulankan dhex dhexaadin doona garsooraha ree Spain ee David Fernández Borbalán waxayna sidoo kale PSG haysataa fursada ay wareega xiga ugu soo bixi karto.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan garsoorayaasha dhex dhexaadin doona siddeeda kulan ee talaadada la ciyaaro doono ee UEFA Champions Leaque.

Manchester United FC – SL Benfica
Garsoore: Gediminas Mažeika (Lithuani)

FC Basel – CSKA Moskva
Garsoore: Milorad Mažić (Serbia)

Celtic FC – FC Bayern München
Garsoore: Danny Makkelie (Netherlands)

Paris SG – RSC Anderlecht
Garsoore: David Fernández Borbalán (Spain)

AS Roma – Chelsea FC
Garsoore: Jonas Eriksson (Sweden)

Club Atlético de Madrid – FK Qarabağ
Garsoore: Deniz Aytekin (Germany)

Olympiacos FC – FC Barcelona
Garsoore: Anthony Taylor (England)

Sporting CP – Juventus FC
Garsoore: Clément Turpin (France)

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan garsoorayaasha dhex dhexaadin doona siddeeda kulan ee Arbacada la ciyaaro doono ee UEFA Champions Leaque.

Kulanka Liverpool ay soo dhawaynayso kooxda Maribor oo ay hore 7-0 ugu soo xasuuqday waxaa dhex dhexaadin doona garsooraha ree Slovakia ee Ivan Kružliak halka kulanka adag ee Wembley stadium ku dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Real Madrid uu dhex dhexaadin doono garsooraha ree Turkey Cüneyt Çakır. halkan ka sii wada akhriso garsoorayaasha kulamada arbacada ee UCL.

Liverpool FC – NK Maribor
Garsoore: Ivan Kružliak (Slovakia)

Sevilla FC – Spartak Moskva
Garsoore: Artur Dias (Portugal)

SSC Napoli – Manchester City FC
Garsoore: Felix Brych (Germany)

Shakhtar Donetsk – Feyenoord
Garsoore: Tasos Sidiropoulos (Germany)

Beşiktaş J. K. – AS Monaco
Garsoore: Paolo Tagliavento (Italy)

FC Porto – RB Leipzig
Garsoore: Ovidiu Haţegan (Momania)

Borussia Dortmund – APOEL
Garsoore: Matej Jug (SVN)

Tottenham Hotspur – Real Madrid CF
Referee: Cüneyt Çakır (Turkey)

Comments

comments