RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Yurub Ee UEFA Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Qiimaynta Kooxaha Yurub Ka Hor Bilaabashada Champions League.

Kooxaha Yurub ayaa todobaadka bilaabanaya waxay dib u ugu xifiltami doonaan koobka kubbada cagta aduunka ugu xiisaha badan ee UEFA Champions league waxayna UEFA soo saartay qiimaynta kooxaha Yurub iyada oo kooxda koobkan haysata ee Reds ay ku jirto tobanka sare.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa finalkii waxa ay 2-0 ku garaaceen kooxda kale ee Ingariiska ee Tottenham iyagoo qaaday koobkoodii lixaad ee Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

Sidaasi darteed, madaama ay yihiin kooxda heysata koobka ugu weyn kooxaha Yurub waxay taasi ka dhigeysaa inay yhiin kooxda ugu fiican Yurub, miyaysan aheyn? Hadaba ma ahan sida lagu sheegay qiimeynta rasmiga ah ee kooxaha ee UEFA.

UEFA waxa ay baahisay liiska qiimeynteedii ugu danbeysay ee kooxaha Yurub, waxaana Liverpool ay ka soo muuqatay kaalinta sideedaad.

8aad! ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League!

Ka hor inta aysan xanaaqin taageerayaasha Reds, waxaa muhim ah inaad ogaataan in qiimeynta kooxaha ee UEFA inay ku saleysan tahay shantii sannadood ee ugu danbeysay ee tartamada Yurub.

Liverpool waxay ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartamada Yurub xilli ciyaareedkii 2016/17 ka dib markii ay kaalinta sideedaad ay ku dhameysteen horyaalka sannadkii ka horeeyay, taasoo la micno ah inaysan wax qiimeyn ah ku heleynin xilli ciyaareedkaas.

Halkaan ka eeg 40ka kooxood ee ugu qiimeyn sareeya kooxaha Yurub ee UEFA ay soo saartay iyadoo Real Madrid ay weli ku jirto kaalinta koowaad madaama shantii sannadood ee ugu danbeysay ay seddex Champions League oo isku xiga ku guuleysteen.

Waxaa kaalinta labaad ku jirtay Atletico Madrid oo aan shantii sannadood ee ugu danbeysay ka baaqanin u soo bixitaanka Champions League islamarkaana labo jeer gaartay finalka. Iyadoo Barcelona ay ku jiro kaalinta 3aad, Bayern Munich afaraad halka Juventus ay shanaad soo ciriirsatay.