RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Yurub Ee UEFA Oo Shaaciyay Musharixiinta Xidigii Todobaadka Ee UEFA Champions League Ugu Fiicnaa.

Kadib kulamadii lugtii kowaad ee siddeed dhamaadka ee talaadadii iyo arbacadii la ciyaaray, xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay musharixiinta xidigii todobaadka ee tartanka UEFA Champions League ugu fiicnaa iyada oo la soo saaray xidigaha codka lagu kala saari doono.

UEFA ayaa markasta oo la ciyaaro kulamada tartamada kooxaha yurub waxay soo saaraan liiska ciyaartoyda ugu bandhiga fiicnaa kulamada la ciyaaray waxayna kadib u soo bandhigaan jamaahiirta kubbada cagta aduunka kuwaas oo codkooda ku kala saara.

Kulamadii siddeed dhamaadka ee UEFA Champions League waxaa guulo gaadhay kooxaha Liverpool, Tottenham iyo Barcelona waxayna ka guulaysteen FC Porto, Man City iyo Man United sida ay u kala horeeyaan halka kooxaha Ajax iyo Juventus ay barbaro galeen.

Afar xidig ayaa iskugu soo hadhay laacibkii todobaadka ee tartanka UEFA Champions League ugu fiicnaa waxaana liiskan ka soo muuday Heung-min Son oo kooxdiisa Tottenham u dhaliyay goolkii ay Man City guusha kaga gaadheen.

Frenkie De Jong oo ka tirsan kooxda Ajax isla markaana bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii Juventus ayaa isna ka mid ah musharixiinta xidigii todobaadka ee UEFA Champions League ugu fiicnaa kuwaas oo ay UEFA ku dhawaaqday.

Roberto Firmino oo Liverpool bandhig wayn uga sameeyay kulankii FC Porto isla markaana gool dhaliyay ayaa ka mid ah afarta musharax ee ay UEFA ku dhawaaqday in ay u taagan yihiin xidigii todobaadka ee UEFA Champions Leagu ugu fiicnaa.

Gerard Pique oo bandhig cajiib ah kula soo laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United ayaa dhamaystiray liiska musharixiinta ciyaartoygii todobaadka ee kulamadii lugtii kowaad ee siddeed dhamaadka UEFA Champions League ugu fiicnaa.

Liiska Mushariixiinta Xidiga Todobaadka Ee Champions League Ugu Fiican Ee Ay UEFA Shaacisay.

1-Heung-min Son-Tottenham

2-Frenkie De Jong- Ajax

3-Roberto Firmino- Liverpool

4-Gerard Pique-Barcelona

Ma doonaysaa in aad qayb ka noqoto jamaahiirta kubbada cagta aduunka ee codkooda ku go’aaminaya xidigii todobaadka ee UEFA Champions League ugu fiicnaa? Haddii ay jawaabtu haa tahay. Halkan ka codee.