RASMI: Xidhiidhka Kubbada Cagta Afrika Oo Ku Dhawaaqay Liiska Musharixiinta Xidiga Sanadka Ee Afrika Ugu Fiican, Mohamed Salah, Sadio Mane Iyo Naby Keita Oo Ka Soo Wada Muuqday.

Xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF ayaa si rasmi ah hadda ugu dhawaaqay liiska musharixiinta xidigaha u tartamayay abaal marinta ciyaartoyga Afrika ugu fiican sanadkan ee African Player of the Year, wuxuuna liiskan ka kooban yahay 30 ciyaartoy oo laga soo xulay ciyaartoyda Afrika ee gudaha iyo dibada qaarada Afrika ka ciyaara ee sanadkan 2017 bandhiga ugu fiican ka soo sameeyay kooxaha ay ka tirsan yihiin iyo qaramadooda.

Xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF ayaa xaqiijiyay in xidigaha guulaysanaya ay go’aamin doonaan tababarayaasha xulalka qaramada Afrika si la mid ah agaasimayaasha farsamo ee xidhiidhada kubbada cagta Afrika waxaana soo raaci doona gudi farsamo oo ka tirsan xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee CAF halka qayta kale ay qaadan doonaan khabiiro saxaafada laga soo xuli doono.

Dhinaca kale xidhiidhka kubbada cagta Afrika ayaa ku dhawaaqay maalinta xaflada abaal marinaha kubbada cagta Afrika la bixin doono waxaana loo cayimay Khamiista January 4,2018 waxaana xaflada abaal marinaha CAF lagu qaba doonaa magaalada ACcra ee dalka Ghana.

Liverpool ayaa ah kooxda saddex xidig ku leh musharixiinta abaal marinta xidiga sanadka Afrika ugu fiican waxaana ku jira Mohamed Salah iyo Sadio Mane oo haddaba ka ciyaara Reds iyo Naby Keita oo ah xidig Liverpool ah balse dhamaadka xili ciyaareedkan ka soo wareegi doona kooxda RB Leipzig. Victor Moses oo Chelsea ka tirsan ayaa isna qayb ka ah liiskan.

Haddaba Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Dhamaan 30 ka Ciyaartoy Ee Ku Tartamaya Abaal Marinta Xidiga Sanadka Ee Afrika ugu Fiican:

1. Ali Maaloul (Tunisia & Al Ahly)

2. Bertrand Traore (Burkina Faso & Lyon)

3. Cedric Bakambu (DR Congo & Villareal)

4. Christian Atsu (Ghana & Newcastle)

5. Christian Bassogog (Cameroon & Henan Jianye)

6. Denis Onyango (Uganda & Mamelodi Sundowns)

7. Eric Bailly (Cote d’Ivoire & Manchester United)

8. Essam El Hadary (Egypt & Al Taawoun)

9. Fabrice Ondoa (Cameroon & Sevilla)

10. Fackson Kapumbu (Zambia & Zesco)

11. Jean Michel Seri (Cote d’Ivoire & Nice)

12. Junior Kabananga (DR Congo & Astana)

13. Karim El Ahmadi (Morocco & Feyenoord)

14. Keita Balde (Senegal & Monaco)

15. Khalid Boutaib (Morocco & Yeni Malatyaspor)

16. Mbwana Samata (Tanzania & Genk)

17. Michael Olunga (Kenya & Girona)

18. Mohamed Salah (Egypt & Liverpool)

19. Moussa Marega (Mali & Porto)

20. Naby Keita (Guinea & RB Leipzig)

21. Percy Tau (South Africa & Mamelodi Sundowns)

22. Pierre-Emerick Aubameyang (Gabon & Borussia Dortmund)

23. Sadio Mane (Senegal & Liverpool)

24. Thomas Partey (Ghana & Atletico Madrid)

25. Victor Moses (Nigeria & Chelsea)

26. Vincent Aboubakar (Cameroon & Porto)

27. William Troost-Ekong (Nigeria & Bursaspor)

28. Yacine Brahimi (Algeria & Porto)

29. Youssef Msakni (Tunisia & Al Duhail)

30. Yves Bissouma (Mali & Lille)

Comments

comments