RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub Ee UEFA Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Waqtiga UEFA Champions League Laga Hirgalinayo Aalada Casriga Ah Ee VAR.

Xidhiidhka kubadda cagta qaarada Yurub ee UEFA ayaa ugu dambayn si rasmi ah u shaaciyay in xilli ciyaareedka dambe ee 2019/2020 si rasmi ah tartanka Champions League looga hir galin doono qalabka garsoore caawiyaha ah ee VAR.

Go’aankan ayaa ah mid ay maanta oo khamiis ah isku raaceen gudida fulinta ee UEFA waana sharci loo soo dajiyay inta badan ee tartamada kale ee qaarada Yurub ee ay masuulka ka tahay UEFA sida UEFA Super Cup 2019 iyo EURO 2020.

VAR oo haatanba ka hirgalaya qaara kamid ah horyaalada ugu waaweyn qaarada Yurub oo ay kamid yihiin Serie A iyo La Liga ayaa la filayaa in ugu horrayn tartamada Yurub laga hir galiyo kulamada bug baxa ee loogu soo baxao Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Intaa kaddib UEFA ayaa qorsheynaysa inay xilli ciyaareedka xiga ee 2020/2021 qalabkan garsoon caawiyaha ah geyso UEFA Europe League si lamid ah tartanka cusub ee UEFA Nations League oo kulankiisa Final-ka la ciyaari doono 2021.

Haddaba, Madaxweynaha UEFA ee Aleksander Čeferin oo ka hadlaya in VAR laga hirgalinayo Champions League ayaa sheegay in qalabkani uu siin doono wakhti ay ku meel mariyaan nidaamka xoogan ee ay doonayaan in lagu garsooro kulamada UCL sidoo kalenna ay tababar siin doonaan garsoorayaasha kulanka.

Madaxweyne Ceferin ayaa yidhi “Waan ku kalsoonahay in soo saarista qalabkan garsoore caawiyaha ah ee aan soo saarayno August 2019 uu nasiin doono wakhti ku filan oo aan ku meelayno nidaamka xoogan iyo inaan ku tababarno garsooraysha kulanka si ay u hubiyaan fulin wanaagsan oo guuleysata oo ay VAR ku sameeyaan tartanka Champions League, Tartanka ugu weyn dunida ee heer kooxeed.