RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub Ee UEFA Oo Shaaciyay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Tartanka Toddobaadkan, Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh?

Xidhiidhka kubadda cagta qaarada Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay shaxda 11-ka xiddig ee ugu fiicnaa tartanka horyaalada Yurub kaddib kulamadii siddeed dhammaadka ee xalay iyo habeen hore la ciyaaray.

Afarta kulan ee la ciyaaray ayay siddeeda kooxood ee dheelay yihiin kuwo haatanba dareemo kala duwan qaba, Barcelona, Tottenham iyo Liverpool ayaa farxad ku naaloonaya maadaama oo ay gaadheen guulo muhiim ah.

Dhinaca kale Man United, Man City & FC Porto ayaa ah kuwo guuldarrooyin la kulmay isla markaana xaaladoodu aysan fiicnayn halka Ajax iyo Juventus ay bar-bardhac ku heshiiyeen walow ay Juve marti ahayd oo ay fursada weyn haysato.

Kooxda Liverpool oo ah mida kaliya ee guusha 2-0 ka ah gaadhay ayaa noqotay kooxda xiddigaha ugu badan ku yeelata shaxdan waxaana ugu soo wada baxay Afar kamid ah xiddigaheeda oo bandhig weyn sameeyay.

Xiddigaha Liverpool shaxdan uga soo muuqday ayaa kala ah Firmino oo gool iyo caawimo soo sameeyay, Naby Keita oo gool dhaliyay, Arnold oo caawimo sameeyay iyo Van Dijk oo markale xasiliyay daafaca.

Tottenham oo guul soo daahday ku dirtay Sky Blues ayaa dhinaceeda ku yeelatay saddex xiddig oo kala ah Vertonghen, Son Hueng Min oo kulanka gool ku go’aamiyay iyo Hugo Lloris oo gool kulaad ka badbaadiyay Aguero.

Barcelona oo xalay guul muhiim ah Old Trafford ku gaadhay ayay shaxdan laba xiddig uga soo muuqdeen waxaana ay kala yihiin Gerard Pique iyo Jordi Alba oo labaduba in badan xakameeyay halista weerarka United.

Ugu dambayn, Labada xiddig ee kale ayaa kala ah Ronaldo iyo Neres oo labaduba xalay min hal gool ka dhaliyay kulankii ay dhibcaha ku heshiiyeen kooxahooda Ajax iyo Juve.