RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub Ee UEFA Oo Ganaax Rasmi Ah Dul Dhigay Cristiano Ronaldo Kaddib Casaankii Valencia, Miyuu Fursad U Haystaa Inuu Ka Hortago Kooxdiisii Hore Ee Manchester United.

Xidhiidhka kubadda cagta qaarada Yurub ee UEFA ayaa ugu dambayn ganaax rasmi ah dul dhigay weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaddib qaladkii uu casaanka ku mutaystay ee uu ka sameeyay kulankii Champions League ee Valencia.

CR7 ayay u ahayd habeen weyn maadaama oo uu safanayay kulankiisii ugu horreeyay ee Juventus ee tartanka Champions League balse waxa uu la kulmay kaadh cas oo toos ah kaddib markii uu timaha soo jiiday daafaca Valencia ee Jeison Murillo.

Haddaba, UEFA ayaa ugu dambayn gaadhay go’aan ay u dhag taagayeen jamaahiirta Bianconerri iyo waliba kuwa Manchester United oo qudhoodu ka fikirayay haddii wiilkoodii hore uu fursad u heli doono kusoo laabashada Old Trafford.

UEFA ayaa sheegtay in boodhkeeda anshaxa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan CEDB ay go’aan ku gaadhay in Don uu kaliya mudan yahay ganaax HAL KULAN AH taas oo micnaheedu yahay inuu wajihi doono Red Devils kulanka 3-aad ee Group-kooda.

Qoraalka UEFA ayaa u yaalay sida tan “CEDB (Boodhka anshaxa  ee UEFA) waxa ay go’aansatay inay weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo ganaaxdo hal kulan oo tartamada UEFA ah taas oo ah mida uu u qalmo”

Si kastaba ha ahaatee, Warkan ayaa ah mid u wanaagsan dhegaha jamaahiirta kooxda Juventus iyo waliba taageerayasha khaaska ah ee kabtanka Portugal maadaama oo uu kaliya maqnaan doono hal kulan isla markaana uu ka badbaaday ganaaxii saddexda kulan ahaa.