RASMI: Xiddigaha Arsenal Oo Sii Wada Urursashada Abaalmarinaha Premier League Ee Bishii October & Emerick Aubameyang Oo Midii Ugu Muhiimsanayd Gacanta Ku Dhigay

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sii kordhiyay hanashada xiddigaha kooxda Arsenal ee abaalmarinihii Premier League ee bishii October kaddib markii Aaron Ramsey loo gacan geliyay abaalmarinta goolka bisha.

Bandhigyadii caalamiga ahaa ee ay kooxda Unai Emery ka samaysay bishii October ayaa ah midka xiddigaha Gunners u sahlay inay haleelaan inta ugu badan ee abaalmarinaha October.

Aubameyang named EA SPORTS Player of the Month

Weeraryahanka ree Gabon ayaa gacanta ku dhigay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa guud ahaan horyaalka ee October kaddib markii uu bishaas so diiwaan gashaday goolashii ugu badnaa oo shan gool ahaa.

Aubameyang ayaa goolal dhaliyay dhammaanba saddexdii kulan ee uu ciyaaray bishii October, Laba gool oo uu ka dhaliyay Fulham, Laba kale oo uu dhex dhigay shabaqa Leicester City iyo gool uu ka dhaliyay Crystal Palace ayaa u sahlay hanashada abaalmarintan.

29 jirkan oo hadlay kaddib guusha uu ka gadhay abaalmarintaas ayaa yidhi “Waxaan kaliya isku dayayaa inaan horumaro maalin kasta, Waxaan isku dayaya inaan inbadan shaqeeyo waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo Premier League oo aan sameeyo waxayga ugu fiican, Waan samayn karaa wax ka fiican sidan”

Xiddigaha uu Auba ku garaacay abaalmarintan ee la loolamayay ayaa kala ahaa:

Ross Barkley (CHE)
Fernandinho (MCI)
Anthony Martial (MUN)
Mat Ryan (BHA)
Callum Wilson (BOU)