RASMI: Xiddiga Sannadka Ee Waddanka Belgium Oo Lagu Dhawaaqay – Midkee Ku Guuleystay Eden Hazard, De Bruyen & Lukaku?

Advertisements

Xiddiga ugu fiican laacibiinta u dhalatay waddanka Belgium ee ka ciyaara horyaallada dibedda ayaa lagu dhawaaqay, waxaana markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guuleystay Eden Hazard oo labadii sannadood ee horena kusoo guuleystay.

Advertisements

Abaal-marintan oo uu bixiyo wargeyska Het Laatste Nieuws (HLN) oo abaalmarintan bixiya ayaa waxa uu shaaciyey in Eden Hazard uu sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah helay codadka ugu badan, isla markaana uu abaal-marinta ku garaacay kubbad sameeyaha Manchester City ee Kevin de Bruyne iyo weeraryahanka Inter Milan ee Romelu Lukaku.

Hazard ayaa helay 458 dhibcood, waxaana kusoo xigay De Bruyne oo 348ndhicood helay, halka Lukaku 248 dhibcood uu ka helay.

Wargeysku waxa kale oo uu soo bandhigay tobanka laacib ee codadka ugu badan helay oo uu ka mid yahay Thorgan Hazard oo ay walaalo yihii Eden.

Liiska tobanka laacib ee ugu wanaagsan Belgium ee bannaanka dalkanka ciyaara waa sidan:

  1. Eden Hazard (Chelsea / Real Madrid) 458
  2. Kevin De Bruyne (Manchester City) 348
  3. Romelu Lukaku (Manchester United / Inter Milan) 248
  4. Youri Tielemans (Leicester) 87
  5. Axel Witsel (Borussia Dortmund) 78
  6. Vincent Kompany (Manchester City) 58
  7. Dries Mertens (Napoli) 52
  8. Divock Origi (Liverpool) 51
  9. Toby Alderweireld (Tottenham) 50
  10. Thorgan Hazard (Borussia Mönchengladbach / Borussia Dortmund) 49
Advertisements