RASMI: UEFA Soo Saartay Musharixiinta Xidigii Todobaadka Ee Kulamadii Lixaad Ee UEFA Champions Leaque Ugu Fiicnaa-Ronaldo, Hazard Iyo Coutinho Oo Hogaaminaya.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa sidii caadada u ahayd kadib kulamada UEFA Champions Leaque soo saaray liiska musharixiinta xidigii todobaadka ee kulamadii lixaad ee la soo ciyaaray ugu fiicnaa. Waxaa jiray xidigo badan oo bandhig layaableh ka sameeyay kulamadii heerka Groupyada Champions Leaque ugu danbeeyay kuwaas oo qayb ka ah liiskan ay hadda UEFA soo saartay.

Waxaa la soo gabagabeeyay heerka groupyada Champions Leaque iyada oo 16 kooxood ay u soo baxeen wareega xidiga ee UEFA Champions Leaque halka siddeed kooxood ay u dhaceen tartanka labaad ee UEFA Europa Leaque iyada oo kooxihii kaalmaha afraad ka galay groupyadu ay gabi ahaanba ka hadheen tartamada Yurub.

Philippe Coutinho oo bandhigisii abid ugu fiicnaa Liverpool ka sameeyay kulankii Anfield ee Spartak Moscow ayaa ku soo baxay liiska u sharaxan xidigii usbuuca ee Champions Leaque ugu fiicnaa iyada oo mucjisada ree Brazil saddexley goolal ah uu ka dhaliyay kulankii ay Reds 7-0 ku xasuuqday kooxda Spartak Moscow. Coutinho ayaa ah xidiga ugu cad cad ee ku guulaysan kara xidigii usbuuca ugu fiicnaa.

Cristiano Ronaldo oo rekoodho taariikhi ah ka dhigay kulankii Bernabeu ee Borussia Dortmund isla markaana hal gool ka dhaliyay ayaa liskan ku soo baxay wuxuuna Ronaldo doonayaa in usbuucii labaad oo xidhiidh ah uu noqday xidiga Champions Leaque ugu fiican.

Eden Hazard oo kulankii Atletico Madrid hal gool caawin ka sameeyay balse bandhig guud oo fiican sameeyay, Coretin Tolisso oo Bayern Munich laba gool uga dhaliyay kulankii PSG, Paco Alcacer oo Barcelona gool uga dhaliyay kulankii Sporting, Juan Cuadarado oo Juventus hal gool uga dhaliyay kulankii Olympiakos iyo xidiga kooxda Tottenham ee Son oo isna gool ka dhaliyay kulankii APOEL ayaa dhamaantood liiskan ku soo baxay.

Laakiin Sadio Mane oo bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii Spartak Moscow isla markaana laba gool dhaliyay sidoo kalena goolasha kale ee Liverpool si ugu lug lahaa ayaan liiskan ku soo bixin inkasta oo ay ku jiraan xidigo min hal gool oo kaliya dhaliyay.

Liiska Xidigaha U Sharaxan Ciyaartoygii Usbuuca Ee Champions Leaque ugu Fiicnaa:

1- Philippe Coutinho- Liverpool= 3 gool

2- Coretin Tolisso- Bayern Munich- 2 gool

3- Cristiano Ronaldo- Real Madrid=1 gool

4- Paco Alcacer- Barcelona  = 1 gool

5- Eden Hazard- Chelsea= 1 gool

6- Son- Tottenham- 1 gool

7- Bernard- Shaktar- 1 gool

8- Juan Cuadrado -Juventus- 1 gool.