RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Kulamadii Lixaad Ee Heerka Groupyada Chamions Leaque Ugu Danbeeyay Iyo Xidigaha Safkan Ka Soo Muuqday.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay shaxda kooxdii ugu fiicnayd kulamadii lixaad ee heerka groupyada Champions Leaque waxaana shaxda kooxda usbuuca ee tartanka kooxaha Yurub ugu fiican lagu saleeyaa ciyaartoyda dhibcaha ugu badan looga helo  UEFA Champions League Fantasy isla markaana bandhiga ugu fiican ka sameeya kulamada la ciyaaro.

Waxaa xalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulamadii heerka groupyada Champions Leaque waxaana isniinta la samayn doonaa isku aadka wareega 16ka kooxood iyada haddaba ay kooxuhu sii qiyaasan karaan kooxaha ay isku aadi karaan maadama oo ay iskreebayaan kooxaha ay isku wadanka yihiin iyo kuwii ay isku groupyada soo noqdeen.

Goolhayaha kooxda FC Basel ee Vaclik ayaa goolka ugu jira shaxda kooxdii kulamadii lixaad ugu fiicnayd waxaana saddexda difaaca ah ku wada jira Ismaily oo ka tirsan kooxda Shakhtar, Lang oo FC Basel difaaca uga ciyaara iyo Alex Sandro oo ka tirsan kooxda Juventus.

James Milner oo qaybtii danbe ee kulankii Anfield saddex gool caawin ka sameeyay iyo Philippe Coutinho oo saddexley goolal ah ka dhaliyay isla kulankii Spartak Moscow ayaa khadka dhexe ee shaxda kooxda usbuuca Champions Leaque ugu fiican ku wada jira waxaana kala soo muuqday Tolisso oo Bayern Munich laba gool uga dhaliyay kulankii PSG iyo Brahimi oo bandhig wayn ka sameyey kulankii FC Porto ay guusha wayn ka gaadhay AS Monaco.

Waxaa shaxda kooxda usbuuca ee Champions Leaque ugu fiican safka weerarkeeda ku midoobay Sadio Mane oo Liverpool laba gool uga dhaliyay kulankii Spartak Moscow si la mid ah xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang oo isna laba gool ka dhaliyay kulankii Real Madrid waxaana shaxdan dhamaystiray kooxda kooxda FC Porto ee Aboubakar.