RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Kulamadii Afraad Ee Champions Leaque Ee La Soo Ciyaaray.

Xidhiidhka kubbada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray shaxda kooxdii kulamadii afraad ee Champions Leaque ugu fiicnayd iyada oo sidii caadada ahayd shaxdan lagu saleeyay ciyaartoydii ugu bandhiga fiicnaa kulamadii talaadadii iyo arbacadii laga soo ciyaaray tartanka UEFA Champions Leaque.

Waxaa shaxda kooxda usbuuca ugu fiican ee Champions Leaque goolka ugu jira goolhayaha kooxda AS Roma ee Allisson kaas oo Chelsea ugu dhaartay in ay hal gool soo dhaliyaan kulankii ay Blues guuldarada wayn kala soo laabtay Roma.

Waxaana afarta difaaca ah kuwada jira Kurzawa oo saddexley goolal ah ka dhaliyay kulankii PSG ay guusha wayn ka gaadhay Anderlecht, Daley Blind oo Manchester United gool rekoodhe ah uga dhaliyay kulankii Benfica iyo labada difaac ee Liverpool bandhiga fiican ku sameeyay ee Alberto Moreno iyo Alexander-Arnold.

Waxaa saddexda khadka dhexe ku jira Dele Alli oo laba gool Tottenham uga dhaliyay kulankii Real Madrid, Éver Banega oo Sevilla ka tirsan isla markaana gool cajiib ah ka dhaliyay Spartak Moscow iyo waliba xidiga kooxda Shakhtar ee Marlos.

Waxaa safka weerarka shaxda kooxda Champions Leaque ugu fiican hogaaminaya Neymar Jr oo bandhig fiican ka sameeyay kulankii Anderlecht isaga oo goolkii uu ka dhaliyay ugu tartamayay goolkii usbuuca ugu fiicnaa si la mid ah Stephan El Shaarawy oo Roma laba gool uga dhaliyay kulankii Chelsea waxaana shaxdan dhamaystiray xidiga kooxda Shakhtar ee Ferreryra.

Halkan kaga bogo Shaxda Kooxdii Usbuuca Ee Champions Leaque Ugu Fiicnayd:

Comments

comments