RASMI: UEFA Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyay Ku Guuleystaha Xiddigii Ugu Fiicnaa Champions League Toddobaadkan, Lionel Messi Mise Son Hueng Min?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay ku guuleystaha xiddigii ugu wacnaa toddobaadkan tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League oo wareegiisii siddeed dhammaadka lasoo af-meeray.

Toddobaadkan ayaa ahaa mid khaas ah oo cajaa’ib badan leh, Ajax iyo Tottenham ayaa wado mariyay Juventus iyo Manchester City halka Barcelona iyo Liverpool ay soo reebeen Man United iyo FC Porto sida ay u kala horreeyaan.

Xiddigaha kulamadaas wacdaraha kusoo dhigay ayaa ahaa kuwo aad u badan balse afarta xiddig ee sida gaarka ah loogu soo xushay inay ku tartamaan ku guuleysiga xiddiga toddobaadka ayaa ahaa Lionel Messi, Son Hueng Min, Roberto Firmino iyo Matthijs De Ligt.

Afartaas xiddig ayaa si khaas ah looga soo dhex xulay Messi oo ay xidhiidhka kubadda cagta Yurub codkii ay qaadeen ugu doorteen xiddigii toddobaadkan ee CL.

32 jirkan ree Argentina ayaa wacdarro kusoo dhigay kulankii ay 3-0 ku dhaafeen Man United isaga oo ahaa midka soo dhaliyay labadii gool ee furitaanka ee soo dhameeyay rajadii kooxda ree England.

Loolanka ugu adag ayuu Messi kala kulmayay Son Hueng Min oo masuuliyada ugu weyn kulahaa in kooxdiisu ay sharciga goolasha kusoo dhaaftay Man City isaga oo sidoo kale laba gool soo dhashaday.