RASMI: UEFA Oo Shaaciyay Goolkii Ugu Qurxoonaa Wareegii Siddeed Dhammaadka Ee Champions League, Goolkee Loo Aqoonsaday?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay goolkii ugu qurxoonaa wareegii siddeed dhammaadka ee tartanka Champions League oo toddobaadkan lasoo af-meeray.

Magacaabista goolka wareegii siddeeda ayay ku tartamayeen afarta xiddig ee kala ah Lionel Messi, Lucas Moura, Divock Origi iyo Hakim Ziyech waxaana saddexda xiddig ee dambeba ay goolasha soo dhaliyeen lugtii dambe.

Messi oo ah xiddiga kaliya ee goolkiisa laga soo xushay lugtii hore ayaa ku tartamaya laadkii xorta ahaa ee layaabka lahaa ee uu ka dhaliyay kooxda Liverpool isaga oo masaafo dheer kasoo tuuray kubadda.

Origi ayaa isaguna ku loolamayay goolkiisii uu kasoo dhaliyay Barcelona waliba goolkii afraad ee uu ku go’aamiyay inuu kooxdiisu ay gaadhay Final-ka CL.

Lucas Moura ayaa isagu saddexleydiisii goolasha ahayd kusoo tartamayay goolkii labaad markaas oo uu xirfad cajiib ah ku kala diray xiddigaha Ajax si deg deg ahna goolka u dhex dhigay.

Goolka afraad oo ahaa midka Ziyech ayaa ah goolkii uu kasoo dhaliyay Tottenham markaas oo uu kooxdiisa hoggaanka ugu dhiibay 2-0.

Haddaba, Goolka wareegii siddeeda ayaa loo doortay midkii laadka xorta ah ahaa ee Lionel Messi uu dhex dhigay shabaqa Liverpool iyo goolhaye Alisson Becker.

Halkan Kaga Daawo Goolasha & Sida Ay Kaalmaha Hore Usoo Kala Galeen