RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqday Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Kulamadii Saddexaad Ee Champions Leaque Iyo Koox AFAR Ciyaartoy Ku Yeelatay!

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay 11 kii ciyaartoy ee ku soo baxay shaxda kooxda ugu fiicnayd kulamadii saddexaad ee Champions Leaque ee usbuucan la ciyaaray. Waxaa jiray kooxo guulo waa wayn soo gaadhay isla markaana ay xidigaha kooxdoodu soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican laakiin maadaama oo ay aad u badnaayeen waxay UEFA ku soo koobtay shaxda kooxda ugu fiican iyada oo ay ka soo muuqdeen xidigihii bandhiga ugu wayn sameeyay.

UEFA ayaa shaxda kooxda ugu fiican ee Champions Leaque ku salaysa xidigaha dhibcaha ugu badan loogu helo UEFA Champions League Fantasy iyada oo xidigaha isku booska ahba si gaar ah loogu qiimeeyo. Tusaale ahaan marka la soo xulanayo goolhayaha waxaa la soo xulaa goolhayaha dhibcaha ugu badan looga helay UEFA Champions League Fantasy haddii ay jiraan laba goolhaye ama wax ka badan oo isku dhibco ah waxaa lagu go’aamiyaa bandhiga kooxaha.

Kooxda Liverpool oo guul taariikhi ah ka soo gaadhay kooxda Maribor ayaa shaxda kooxda usbuuca ee kulamadii saddexaad ee Champions Leaque ku yeelatay ciyaartoyda ugu badan oo afar xidig ah waxaana shaxdan ugu jira Mohamed Salah, Roberto Firmino, Philippe Coutinho iyo waliba da’yarka Trent Alexander-Arnold.

Kooxaha Chelsea, PSG,Basel, Spartak Moscow, Shakhtar, Bayern Munich iyo AS Roma ayaa min hal ciyaartoy ku yeeshay shan ku yeeshay halka kooxaha Barcelona, Real Madrid, Tottenham, Manchester City iyo Juventus ayna qayb ka soo noqon shaxda kooxda usbuuca.

Waxaa shaxdan qayb ka ah Eden Hazard iyo Quincy Promes oo ka mid ahaa xidigihii ugu bandhiga fiicanaa kulaamdii la soo ciyaaray ee Champions Leaque laakiin xidigo badan oo shaxdan ka soo muuqan jiray oo ay ka mid yihiin Neymar Jr, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaan wax fursad ah usbuucan ka helin.

Halkan Kaga Bogo Shaxda Kooxda Usbuuca Ee Champions Leaque Ugu Fiican Oo Dhamaystiran:

Xidiga ree Holland iyo kooxda Spartak Moscow ee Quincy Promes noqday xidiga dhibcaha ugu badan looga helay UEFA Champions League Fantasy isaga oo 18 dhibcood sameeya halka xidiga ree Brazil  iyo kooxda Liverpool ee Roberto Firmino uu noqday xidiga labaad ee kulamadii saddexaad ee Champions Leaque ka soo hooyay dhibcaha labaad ee ugu badan oo 15 ah waxaana ku sii xiga Mohamed Salah iyo Philippe Coutinho oo min 14 dhibcood lagu helay.

Comments

comments