RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqday Musharixiinta Xidigii & Goolkii Todobaadka Champions League Ugu Fiicnaa Ee Kulamadii Shanaad Iyo Muuqaalka Goolashii Ugu Quruxda badnaa.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa todobaad kasta oo la ciyaaro kulamada Champions League waxay soo saaraan liiska ciyaartoyda ugu bandhiga fiicnaa iyo waliba ciyaartoyda dhaliyay goolashii ugu quruxda badnaa waxaana cod loogu qaadaa shabakada UEFA iyada oo ugu danbayn la shaaciyo xidigaha guulaysta.

Haddaba UEFA ayaa ku dhawaaqday liiska musharixiinta xidiga todobaadka UEFA Champions league ee kulamadii shanaad iyo waliba liiska ciyaartoyda u tartamaya goolkii ugu quruxda badnaa ee laga soo dhaliyay 16kii kulan ee wareegii shanaad ee Champions League ee talaadadii iyo arbacadii xalay la ciyaaray.

Aan ku bilawnee , UEFA ayaa shaacisay in afarta xidig ee goolkii todobaadka ee Champions League ku tartamayaa ay kala yihiin Maxwel Cornet oo Lyon u dhaliyay gool cajiib ah kulankii Manchester City wuxuuna tartankan ugu jiraa goolkiisii hore.

Laakiin Arjen Robben oo laba gool oo cajiib ah ka dhaliyay kulankii Benfica ayaa mid ka mid ah goolashiisii loo soo doortay in uu ugu tartamo goolkii todobaadka ee UEFA Champions League ugu fiicnaa waxayna hadda u muuqataa in uu noqon karo goolkii ugu quruxda badnaa.

Xidiga kooxda Napoli ee Dries Mertens oo isna gool qurux badan ka dhaliyay kulankii Red Star Belgrade ayaa qayb ka ah liiskan halka xidiga reer Croatia iyo kooxda Hoffenheim ee Andrej Kramarić uu liiskan ku dhamaystay gool uu ka dhaliyay Shakhtar.

Halkan ka daawo muuqaalka Afarta Gool Ee UEFA Shaacisay.

Dhinaca kale UEFA ayaa shaacisay afarta xidig ee u tartamaya abaal marinta xidigii todobaadka ee UEFA Champions League ugu fiicnaa waxaana ku jira xidigo ku jiray liiska goolashii ugu quruxda badnaa.

Lionel Messi oo bandhig wayn ka sameeyay kulankii PSV ayaa qayb ka ah liiska afarta ciyaartoy ee u tartamaya laacibkii kulamadii shanaad ee Champions League ugu fiicnaa waxaana kula jira Arjen Robben oo sidoo kale goolkii ugu quruxda badnaa u tartamaya.

Xidiga kooxda Napoli ee Dries Mertens iyo waliba xidiga kooxda Lyon ee Maxwel Cornet oo isla goolashii quruxda badnaa ee todobaadkan u tartamayaa sido kale ku jira afarta xidig ee ugu bandhiga fiicnaa kulamadii Champions League.

Haddaba akhrste goolkee iyo xidigee ayaad u dooran lahayd kuwii kulamadii shanaad ee Champions league ugu quruxda badnaa.