RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqday Liiska Kooxda Xili Ciyaareedkan Ugu Fiicnayd Champions League Ee Ka Kooban 20-ka Xidig.

Kadib markii xalay si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay tartankii UEFA Champions Leauge ee soo bilawday bishii June 2018 ee muddada dheer soo socday ayay ugu danbayn UEFA ku dhawaaqday liiska 20 ka xidig ee ku soo baxay kooxda xili ciyaareedka ugu fiican UCL.

Guddida goob joogayaasha kulamada UEFA Champions league ee uu xidhiidhka kubbada cagta Yurub u xilsaaray qiimaynta ciyaartoyda kulamadii Champions league ayaa ku dhawaaqay liiska 20 xidig ee Champions League ugu fiicnaa.

Markii ugu horaysay sanadii ugu danbeeyay waxaa liiska kooxda xili ciyaareedka ee Champions league gabi ahaanba laga waayay kooxda Real Madrid oo xili ciyaareedkan waqti adag ku soo qaadatay tartanka kooxaha Yurub.

Laakiin Barcelona ayaa laba ciyaartoy ku yeelatay kooxda xili ciyaareedka ee Champions league ugu fiican waxaa liiskan ku soo baxay Lionel Messi iyo goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

Sida la qiyaasi karo kooxda koobka Champions League ku guulaysatay ee Liverpool ayaa ciyaartoyda ugu badan ku yeelatay kooxdan iyada oo Reds ay liiskan ugu soo baxeen 6 ciyaartoy.

Ajax ayaa shan ciyaartoy si layaableh uga heshay kooxda xili ciyaareedka ee Champions League ugu fiican kadib laayabkii ay soo dhigeen halka Tottenham ay saddex ciyaartoy heshay waxaana laba xidig kooxdan ku yeelatay Man City halka Lyon iyo Juventus ay min hal ciyaartoy ku yeesheen.

Liverpool waxaa liiska kooxda xili ciyaareedka ee ay UEFA ku dhawaaqday ugu soo baxay lixda ciyaartoy ee kala ah Alisson Becker, Virgil van Dijk, Trent Alexander-Arnold, Andrew Robertson,Georgino Wijnaldum iyo Sadio Mane.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xidiga kaliya ee Juventus ugu soo baxay halka Mohamed Salah oo shan gool ka soo dhaliyay Champions League aanu liiska kooxdan ku soo bixin.

Liiska kooxda 20 ka xidig ka kooban ee UEFA Sida Rasmiga Ah Ugu Dhawaaqday in ay tahay kooxdii xili ciyaareedkan Champions League ugu fiicnayd:

Goolhayayaasha iyo difaacyada: Alisson Becker, Marc-Andre ter Stegen; Virgil van Dijk, Matthijs de Ligt, Jan Vertonghen, Trent Alexander-Arnold, Andrew Robertson

Khadka dhexe iyo Weerarka: Moussa Sissoko, Hakim Ziyech, Kevin de Bruyne, Frenkie de Jong, Tanguy Ndombele, Georgino Wijnaldum, David Neres; Raheem Sterling, Lionel Messi, Dusan Tadic, Sadio Mane, Cristiano Ronaldo, Lucas Moura.