RASMI: UEFA Oo Ku Dhawaaqday Ciyaartoyga Ku Guulaystay Xidigii Todobaadka Ee UEFA Champions League Iyo Xidiga Goolkii Ugu Quruxda Badnaa Ku Loogu Codeeyay + Muuqaal.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay labada ciyaartoy ee ku kala guulaystay xidigii todobaadka ee kulamadii kowaad ee heerka Groupyada Champions League iyo waliba xidiga ku guulaystay goolkii todobaadka ee ugu quruxda badnaa kulamadii kowaad ee UEFA Champions League.

Waxaanu hore idiinku soo gudbinay markii ay UEFA soo saartay liiskii tartamayaasha xidigii todobaadkii kowaad ee UEFA Champions league ugu fiicnaa iyo waliba liiskii musharixiintii goolkii ugu quruxda badnaa kulamadii Champions League ee la ciyaaray talaadadii iyo arbacadii.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa loo doortay xidigii todobaadka ee UEFA Champions League ugu fiicnaa kadib markii uu saddexley goolal ah ka dhaliyay kulankii ay kooxdiisa Blaugrana ku xasuuqday kooxda PSV ee Camp Nou ka dhacay.

Lionel Messi oo bandhig cajiib ah kulankan ka sameeyay ayaa jamaahiirta kubbada cagta aduunka ka helay codkii ugu badnaa ee lagu soo dooranayay xidiga todobaadka ee UEFA Champions League wuxuuna Messi si buuxda u garaacay James Milner oo Liverpool bandhig fiican ugu sameeyay kulankii PSG.

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda uu Lionel Messi ka guulaystay ku jiray Paul Pogba oo laba gool ka dhaliyay kulankii ay kooxdiisa Manchester United guusha ka soo gaadhay kooxda Young Boys waxaana sidoo kale qayb ka ahaa xidiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir.

Dhinaca kale UEFA ayaa shaacisay xidiga ku guulaystay goolkii ugu quruxda badnaa ee kulamadii kowaad ee UEFA Champions League waxaana goolkii ugu quruxda badnaa loo doortay darbadii cajiibka ahayd ee uu kabtanka Inter Milan ee Mouro Icardi uu ka dhaliyay Tottenham.

Halkan Ka daawo Gooalashii Ugu Quruxda Badnaa Kulamadii Kowaad ee Chaampions league iyo kaalmihii ay kala galeen markii loo codeeyay:

Si kastaba ha ahaatee, Lionel Messi iyo Mouro Icardi ayaa kulamadii kowaad ee UEFA Champions League ugu kala guulaystay xidigii iyo goolkii todobaadka iyada oo dhamaan ciyaartoydii la tartamaysay ay cod ku garaceen.