XOG: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Isku Aadka Siddeed Dhamaadka UEFA Champoins league-Kooxdee Ayaa La Jeclaan Lahayd In Kooxdaada Lagu Aadiyo?

Waxaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay wareegii 16ka kooxood ee UEFA Champions league waxaana dhamaystirmay dhamaan 8 kooxood ee isku aadka loo samayn doono. Kooxo badan oo rajo qabay ayaa laga tuuray salaanka UEFA Champions league iyada oo la soo qaatay kulamo cajiib ahaa.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa dhamaan su’aalaha aad iska waydiinaysaan isku aadka siddeed dhamaadka UEFA Champions league kaas oo ay kooxaha soo baxay ku ogaan doonaan halka ay ka sii wadan doonaan tartanka koobka UEFA Champions league ee finalkii lagu qaban doono magaalada Madrid ee dalka Spain.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa isbadal ku sameeyay qaabkii loo samayn jiray isku aadka siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka Champions league waxaana xili ciyaareedkan markii ugu horaysay hal mar la wada samayn doonaa isku aadyada wareegyada soo socda ee siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka Champions League.

Marka la sameeyo isku aadka siddeed dhamaadka waxaa kadib la samayn doonaa qaabka ay iskugu beegmi doonaan koxoaha u soo baxa afar dhamaadka Champions League taas oo meesha ka saartay xafladii laabad ee isku aadka afar dhamaadka lagu samayn jiray.

Haddaba Goormaa La Samaynayaa Isku Aadka UEFA Champions League?

Isku aadka UEFA Champions league ee wareegyada siddeed dhamaadka iyo afar dhamaadka ayaa markii ugu horaysay hal mar lawada samayn doonaa, waxaana isku aadkan lagu qaban doonaa magaalada  Nyon ee dalka Switzerland wuxuuna isku aadki qabsoomi doonaa maalinta jimcaha ee March 15,2019.

Xaflada isku aadka Champions league ayaa bilaami doonta marka ay saacadu tahay 12:00CET, iyada oo marka hore la samayn doono isku aadka siddeed dhamaadka, waxaana la raacin doonaa isku aadka afar dhamaadka, taas oo la micno noqon doonta in ay koox kastaaba ogaan doonto dariiqa ay finalka u sii mari karto.

Kooxahee Qayb Ka Noqon Doona Isku aadka Siddeed Dhamaadka Iyo Afar Dhamaadka Champions League?

Waqti dheer kadib afarta kooxood ee Premier league uga qayb galaya tartanka UEFA Champions League ayaa u soo wada baxay siddeed dhamaakda taas oo la micno ah in kooxaha isku aadka loo samayn doono ay kala badh yihiin kooxo Premier league ka ciyaara.

Waxay arintani keeni kartaa in kooxaha Premier league ay madaxa isla gali doonaan maadaama oo aanu jirin sharci waqti xaadirkan kala xadaynaya in ay isku aadki karaan kooxaha isku dalka ahi. Kooxaha Premier League ayaa xili ciyaareedkan haysta fursad wayn oo ay tartankan ku sii wadan karaan.

Spain waxaa matalaysa Barcelona halka Juvenus ay difaacanayso calanka Talyaaniga waxaana liiskan ku jira kooxaha FC Porto oo Portugal ah iyo waliba Ajax oo Netherlands ka soo jeeda.

Kooxaha Isku Aadka Siddeed Dhamaadka Champions league Loo Samayn Doono.
1-Ajax (Netherlands)

2-Manchester United (England)

3- FC Porto (Portugal)

4-Tottenham (England)

5- Man City (England)

6- Juventus (Italy)

7- Liverpool (England)

8- Barcelona (Spain)

Miyay Kooxaha Isku Horyaalada ah ama isku Dalka Ahi Isku Aadi Karaan?

Sida aad soo sheeegnay marka la soo gaadho wareega siddee dhamaadka UEFA Champions league ma jiro sharci kala xadeeya kooxaha isku dalka ah ama horyaal ka wada ciyaara, waxayna taasi la micno tahay in kooxaha Liverpool, Man United, Man City iyo Tottenham uu mid kastaba ku aadi karo kooxaha kale ay Premier league ka wada ciyaaraan.

Goormaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Siddeed Dhamaadka, Afar Dhamaadka ee Champions league? Iyo Dariiqa Loo Marayo Finalka UCL ee Madrid Ka Dhici Doona.

Kulamada Lugta hore ee Siddeed Dhamaadka Champions league: April 9 & 10,2019

Kulamada Lugta labaad ee Siddeed Dhamaadka Champions league: April 16 & 17,2019

Kulamada Lugta hore ee Afar Dhamaadka Champions league: April 30 & May 1,2019

Kulamada Lugta labaad ee Afar Dhamaadka Champions league: May 7 & 8, 2019

Finalka UEFA Champions League : Sabtida, June 1,2019 -Estadio Metropolitano, Madrid (Spain)

Haddaba akhriste, kooxdee ayaad jeclaan lahayd in lagu aadiyo kooxda aad taageerto? Kooxahee ayaanad doonayn in lagu aadiyo kooxda aad tageerto? Masaadaalin kartaa qaab uu isku aadka Champions league noqon karo?

7 Comments

  1. Asc wrm dhamaan saadasha waa sidaan
    1 barca totanham
    2 juve mancity
    3 Liverpool ajax
    4.man unt porto

  2. Samedo he has a two yellow card he played the match

    Lyon vs Barcelona first leg

    Barcelona vs Tottenham second leg

  3. Anigu hadaan ahey taageere Barcelona ah waxan doonayaa in leygu aadiyo man city ama Liverpool
    Sidoo kale MANCHESTER UNITED na waan taa geeraa iyana waxan doonayaa inleygu aadiyo PORTO

  4. Taageere man united ah

    Man United vs porto
    Barcelona vs man city
    Juvejus vs liverpool
    Ajax vs toteham

  5. Wxan ahy tagero man United ah
    Man United vs Porto ama Ajax
    Barcelona vs man city ama Liverpool
    Juventus vs Liverpool ama city
    Tottenham vs porto
    Ama
    Liverpool vs man city
    Man United vs Barcelona
    Ajax vs Porto
    Juventus vs tottiham really

    • Anu kulan kaliya ayuunban sadaalin karaa waana liverpool iyo man united waayo intaan kubada cagta dawanayey champion iyago wada ciyaraya ma dawan sacada geeska africa isku aadku dhacayo soo shega plz

Comments are closed.