RASMI: Toni Kroos Oo Mustaqbalkiisa U Hibeeyay Real Madrid, Heshiiskiisa Uu Kordhiyay & Liiska Xiddigaha Laga Nadiifinayo Bernabeu Oo Uu Ka Badbaaday.

Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Germany ee Toni Kroos ayaa heshiiska usii dheereeyay kooxdiisa isaga oo mustaqabalkiisa u hibeeyay kooxda caasimaa Spain.

Heshiiska uu markii hore Kroos kula joogay Real Madrid ayaa ahaa mid ku eeg ilaa sanadka 2022 balse waxa lagu kordhiyay 12 bilood oo kale iyada oo la gaadhsiiyay 2023 isla markaana gabi ahaanba shakiga laga saaray mustaqbalkiisa.

Heshiiska ayaan haatan ahayn mid si rasmi ah loo saxeexay balse kooxda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay is af-garteen 29 jirkan.

In heshiis cusub uu saxeexay Toni ayaa ah mid meesha ka saaraysa fursad kasta oo uu kaga bixi lahaa Madrid xagaagan iyadoo la filayo in kooxda isbedelo xoogani ka dhici doonaan marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ee qaarada Yurub.

Tababaraha kooxa ee Zinadine Zidane oo hore wax looga weydiiyay Kroos ayaa yidhi “Toni waa ciyaartoy fure ah waxa uu Madrid joogay shan sano waxaana uu soo qabtay waxyaabo waaweyn, Isagu waa ciyaartoy weyn oo keena daganaansho, Anigu markasta waan jeclaa isaga”

“Qofkasta waxa uu ka hadlaa Toni iyo ciyaartoy kale ee haddii aan anigu doonayo iyaga ama aanan doonayn, Ciyaartoy kastaa waa mid wanaagsan oo muhiim ah, Waxa jiri doona isbedelo laakiin maaha haatan waa dhammaadka xilli ciyaareedka”