RASMI: Telefishanka BeIN Sports Oo Shaaciyey WariyeyaashaTabin Doona Kulamada Adag Ee Champions League Ee Caawa La Ciyaarayo.

Waxaa caawa markale garoomada Yurub laga maqli doonaa musikada caanka ah ee tartanka UEFA Champions League waxaana soo dhamaaday muddo laba bilood ahayd oo ka soo wareegtay markii la sameeyay isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions League.

Sidii caadada ahayd Telefishanka beIN Sports, qaybta luuqadda carabiga ku tebinaysa ciyaaraha caawa ee tartanka Champions league ayaa shaaciyey wariyeyaasha qaban doona xayeysiinta kulamadan xiisaha badan ee sida wayn loo sugayo.

Kulanka adag ee Old Trafford ku dhex mari doona kooxaha Manchester United iyo PSG  waxa uu telefishanka beIN Sports qaybta luuqadda Carabigu u asteeyey in laga  baahiyo channelka beIN Sports 1, waana kulanka ay jamaahiirta kubbada cagta aduunku sida wayn u sugayaan.

Haddaba iyada oo akhristayaasha Gool24 ay marar badan kulamada ka hor na soo waydiiyaan wariyaasha falanqayn doona kulamada waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wariyaasha uu beIN Sports u xil saaray kulamada caawa ee Champions league gaar ahaan luuqada Carrabiga oo ay inta badan dadka Somalidu jecel yihiin in ay kulamada ku daawadaan.

Kulanka xiisaha badan ee Manchester United iyo PSG ee Old Trafford waxaa loo doortay in wariyaha caanka ah ee Cisaam Shuwaali uu falanqayn doono ama uu xayasiin doono waana mid ka mid ah falanqeeyaasha carbeed ee ay Somalida iyo jamaahiirta kubbada cagta carbeed ugu jecel yihiin.

Kulanka AS Roma iyo FC Porto waxaa qaban doona Xafiid Daraji. Kulamada Champions league ee caawa ayaa la filayaa in ay xiiso gaar ah yeelan doonaan maadaama oo dagaalkii ugu waynaa loogu in ay kooxuhu u soo baxaan wareega siddeed dhamaadka.

Halkan kaga bogo channelada iyo wariyaasha ay beIN Sports u diyaariyeen kulamada Caawa Ee Champions League.

Man United Vs PSG -Tartanka Champions League – beIN Sports 1 – Cisaam Shuwaali

AS Roma Vs FC Porto- Tartanka Champions League – beIN Sports 2 – Xafiid Daraji

1 Comment

Comments are closed.