RASMI: Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyay Wariyaasha Tabin Doona Kulamada Caawa Ee UEFA Champions League-Ayaa Loo Doortay Ajax Vs Real Madrid?

Qaybtii labaad ee kulamada lugta kowaad ee wareega 16ka kooxood ee Champions league ayaa caawa la ciyaari doonaa kadib markii ay xalay kooxaha PSG iyo Roma guulo ka gaadheen Manchester United iyo FC Porto sida ay u kala horeeyaan waxaana caawa jiri doona kulamo xiiso badan.

Telefishanka beIN Sports qaybta luuqaadda Carabiga ku baahisa ciyaaraha ayaa shaaciyey wariyeyaasha qaban doona kulamada caawa ee tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa marti u noqon doonta Ajax Amsterdam, laakiin Tottenham oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Harry Kane iyo Dele Alli ayaa garoonka Wembley ku qaabili doonta Borussia Dortmund oo hoggaaminaysa horyaalka Bundesliga, waxaana labadan ciyaaroodba uu telefishanka beIN Sports ku baahin doonaa luuqadaha kala duwan, hase yeeshee qaybta luuqadda Carabiga ayaa waxa laga daawan doonaa Channelada beIN Sports 1 iyo beIN Sports 2

Kulan kasta waxa qaban doona laba wariye oo ay daawadeyaashu geysan karaan marka midka ay jecel yihiin inay codkiisa maqlaan, waxaana caawa dib usoo laaban doona Rauf Khalif oo ay Soomaalidu aad u jecel yihiin codkiisa, hase yeeshee shalay ku mashquulay kulan ka tirsan tartanka naadiyada Afrika oo ka dhacayey Tunisa.

Rauf Khalif iyo Khalil Xaddi ayaa waxay qaban doonaan kulanka laga baahinayo beIN Sports 1, halka Cali Mohamed Cali iyo Xafiid Daraji ay qaban doonaan kulanka ka baxaya channelka beIN Sports 2.

Telefishanka beIN Sports ayaa waxa uu u asteeyey in kulanka Ajax vs Real Madrid uu ka baxo channelka beIN Sports 1, taas oo ay macnaheedu tahay in Rauf Khalif iyo Khalil Xaddi ay qaban doonaan, halka Tottenham vs Borussia Dortmund oo laga daawan doono beIN Sports 2 ay wada-jir u hayn doonaan Cali Maxamed Cali iyo Xafiid Daraji.