RASMI: Tababare Setien Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Barcelona Ee Kulanka Getafe, Laba Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Oo Soo Laabtay & Mid Maqan.

Advertisements

Tababaraha kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdaas ee uu ugu talo galay inuu kaga hor tago kooxda Getafe kulan qayb ka ah horyaalka La Liga.

Advertisements

Kulankan oo ah mid berri qabsoomi doona isla markaana lagu balansan yahay Camp Nou ayay Barcelona soo dhawayn doontaa Getafe xilli ay isha ku hayaan inay cadaadiska kusii hayaan Real Madrid oo haatan saddex dhibcood kaga haysa hoggaanka horyaalka.

Liiska uu soo xushay tababare Setien ayuu kusoo laabtay daafaca dhexe ee kooxdaas ee Gerard Pique oo ganaax ku seegay kulankii Real Betis balse waxa sidoo kale maqan Clement Lenglet oo isla kulankaas casaan ku qaatay.

Sidoo kale goolhayaha dookha labaad ee Neto oo mudo sababo dhaawac la maqnaa ayaa kasoo muuqdan 18-kan xiddig kaddib markii uu helay ogolaanshaha shaqaalaha caafimaadka ee Barca ay u siiyeen ka qayb qaadashada kulankan.

Sidoo kale weeraryahanka da’yarka ah ee Barca B ee Manaj ayaa loo wacay kulankan maadaama oo ay dhaawacyo qabaan Ousmane Dembele iyo Luis Suarez si uu ula midoobo Lionel Messi, Ansu Fati iyo Antoine Greizmann.

Halkan Kaga Boggo Liiska Oo Dhan

Image

 

Advertisements