RASMI: Tababare Santiago Solari Oo Soo Saaray Liiska 20-ka Xiddig Ee Uu Kaga Qayb Galayo Kulanka Roma & Xiddig Weyn Oo Dhaawac Ku Seegay.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa soo saaray liis ka kooban 20 xiddig ee uu ula safri doono kooxda AS Roma oo ay ku balansan yihiin kulan ka tirsan tartanka Champions League toddobaadkan.

Liiskan 20 ka xiddig ah ayaa ah mid uu dhaawac ku seegay goolhaye Keylor Navas oo xubin muhiim ah ka ah Real Madrid kulamada UCL maadaama oo goolhayaha ree Costa Rica uu wali ku hawlan yahay kasoo kabashada dhaawac uu mudooyinkii ugu dambeeyay qabay.

Real Madrid training

Goolhaye Navas ayaan kaliya ahayd xiddiga seegi doona kulankan maadaama oo ay maqnaanayaan xiddigaha kala ah Alvaro Odriozola, Nacho, Jesus Vallejo, Sergio Reguilon iyo Casemiro oo arrimo dhaawacyo kala duwan qaba.

Mariano oo seegay kulankii ugu dambeeyay ee Eibar ayaa kusoo laabtay safkan, Si lamid ah goolhayaha da’yarta ee Luca Zidane walow uu wiilka Zinadine Zidane soo fadhiisan doono halka sarre ee Stadio Olympico oo aan la filayn inuu kusoo baxo liiska labada goolhaye ee kulankan loo xulanayo.

Halkan kaga boggo liiska 20 ka xiddig ee kulankan uu u xushay tababare Santiago Solari

Goolhayaysha: Casilla, Courtois and Luca.

Daafacyada: Carvajal, Ramos, Varane, Marcelo and Javi Sánchez.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Valverde, Marcos Llorente, Asensio, Isco and Ceballos.

Weeraryahanada: Benzema, Bale, Lucas Vázquez, Mariano and Vinicius Jr.