RASMI: Tababare Quique Setien Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Granada Ee Caawa – Miyay Arthur & Ter Stegen Soo Laabteen?

Advertisements

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona ee Quique Setein oo isku diyaarinaya inuu kooxdaas kulankiisii ugu horreeyay hoggaamiyo ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xiddigaha uu kaga hortagayo kooxda Garanada kulankooda caawa.

Advertisements

Liiska xiddigahan uu soo xushay Setien ayuu ugu horreeyaa da’yarka Riqui Puig oo uu tababarihii hore ee kooxda ee Ernesto Valverde kursiga keydka ku ilaaway balse kulanka caawa kasoo muuqan kara kaddib ganaaxa De Jong.

Setien ayaa sidoo kale kulankan dib ugu wacay khadka dhexe ee ree Brazil ee Arthur Melo kaas oo soo kabsaday diyaarna u ah kulankan Granada kaddib markii uu seegay tartankii Spanish Super Cup-ka.

Sidoo kale booska goolhayaha tababare Setien iyo jamaahiirta Barcelona ayaa dib u helaya mid kamida goolhayayaasha ugu fiican dunida kaddib markii dhakhaatiirtu ay ogolaansho u siiyeen Ter Stegen ka qayb galka ciyaarta caawa.

Liiska Xiddigaha Barcelona U Matalaya Kulanka Granada Ee Uu Setien Soo Xushay:

Ter Stegen, Semedo, Piqué, Rakitic, Sergio, Arthur, Messi, Neto, Lenglet, Griezmann, Jordi Alba, Sergi Roberto, Vidal, Umtiti, Junior, Carles Pérez, Riqui Puig iyo Ansu Fati

Advertisements