RASMI: Tababare Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaan Doono Benjamin Mendy Kaddib Qaliinkii Guuleystay Ee Lagu Sameeyay.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay xaalada dhaawaca ee daafaca kooxdiisa ee Benjamin Mendy iyo mudada uu garoomada ka maqnaan karo kaddib qaliinkii guuleystay ee dhawaan lagu sameeyay.

Mendy ayuu qaliin ku sameeyay Dr Ramon Cuga oo xarun ku leh magaalada Barcelona waxaana intaa kaddib la sawiray isaga oo biro ku boodaya.

Guardiola oo wax laga weydiiyay xaalada dhaawaca xiddigan ayaa sameeyay qiyaas isla markaana ku jawaabay “Waxa uu maqnaan karaa 10 ama 12 toddobaad”

Warkan ayaa ah mid naxdin ku noqonaya jamaahiirta Citizens iyo guud ahaan kooxda oo isku diyaarinaysa inay difaacato horyaalka maadaama oo aysan haysan bedel toos ah oo ay booskaas ku buuxiyaan.

Khadka dhexe ee Fabian Delph ayaa la filayaa inu markale booskaas u wareego maadaama oo uu bandhigyo wanaagsan ka sameeyay halkaas xilli ciyaareedkii hore mar uu sidan oo kale dhaawac mudo dheer ah usoo gaadhay Mendy.

Daafacan kusoo guuleystay Koobka Aduunka ayaa seegi doona kulamada ugu mashquulka badan ee ay City ciyaari doonto oo ay kamid yihiin labada kulan ee ka hadhsan Champions League heerka Group-yada iyo kulanka Premier League ee Chelsea.