RASMI: Tababare Ernesto Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Uu Kaga Qayb Galayo Kulanka PSV, Luis Suarez Oo Maqan & Isbedelo Waaweyn Oo Ka Dhex Muuqda.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda ree Holland ee PSV oo ay kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League booqan doonaan.

Barcelona ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo xilli horeba xaqiijisatay inay gaadhay wareega 16-ka kooxood ee tartankan balse waxa ay muhiimad weyn siin doonaan sidii ay natiijooyin wacan u heli lahaayen oo ay ugu dhammaysan lahaayeen kaalinta koowaad ee Group-ka.

Ernesto Valverde tiene varios contratiempos

Liiskan ayaa ah mid farxad iyo murugo uwada ah jamaahiirta Blaugrana maadaama oo ay xiddigo muhiim ka ah safka koowaad dhaawacyo kasoo laabteen halka kuwa kalena ay haatan dhaawac cusub qaadeen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Qareenka Neymar Oo Maanta Lagu Arkay Xafiisyada Mid Ka Mid Ah Kooxaha La Liga Ee Xiiseynaya Saxiixiisa Xagaagan

Khadka dhexe ee ree Croatia ee Ivan Rakitic iyo xiddigi hore ee Liverpool ee Philippe Coutinho oo mudooyinkii ugu dambeeyay dhaawac ku maqnaa ayaa haatan kusoo baxay liiska tababare Valverde.

Bale dhibaatada Barca ayaa ah in ay liiskan dhaawacyo ku seegeen Cillessen, Luis Suarez iyo Arthur, Goolhayaha ree Holland iyo weeraryahanka ree Uruguay ayaa maqnaan doona laba toddobaad halka Arthur uu soo laaban doono kulanka Villarreal.

Halkan kaga boggo liiska uu Valverde u xushay kulanka PSV oo dhammaystiran:

Ter Stegen, Iñaki Peña, Ezkieta, Jordi Alba, Umtiti, Piqué, Lenglet, Semedo, Busquets, Rakitic, Coutinho, Denis, Arturo Vidal, Dembélé, Malcom, Messi, Munir, Aleñá, Miranda, Riqui Puig iyo Chumi.