RASMI: Tababare Ernesto Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Lyon Iyo Farxada Ay Jamaahiirta Barca Heleen.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee ula safraysa dalka France halkaas oo ay kula soo ciyaari doonaan kooxda Lyon kulanka lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions league.

Barcelona ayaa xalay guul ka gaadhay kooxda Real Valladolid laakiin maanta ayay markale war fiican heleen kadib markii ay kooxda yar ee ay dariska yihiin ee FC Girona ay saddexda dhicbood ka soo qaadatay Real Madrid oo kaalinta labaad ku soo jirtay waxayna Barca iyada oo aan kulan ciyaarin ay sii dheeraysatay hogaanka La liga.

Laakiin hadda dareenka Barcelona ayaa si buuxda ugu soo jeeda tartanka Champions league iyo kulanka xiisaha badan ee ay Lyon kula ciyaari doonaan tartanka UEFA Champions League.

Valverde ayaa ugu danbayn markii ugu horaysay sanadkan waxa uu liiska kooxdiisa ku soo daray Samuel Umtiti kaas oo dhawr bilood ku maqnaa dhaawac jilibka ka soo gaadhay wuxuuna xidiga reer France fursad u helay in uu ka hor yimaado kooxdiisii hore ee Lyon ee uu Barca kaga soo biiray.

Barcelona ayaa si khaas ah ugu dhawaaqday soo laabashada Samuel Umtiti ee kooxdeeda waxaana barta twitterka la soo dhigay muuqaal Samuel Umtiti laga qabtay waqtiyadii xafladaynta koobabkii xili ciyaareedkii hore waxaana lagu soo dhaweeyay in uu markale qayb ka noqonayo kooxda Valverde.

Dhamaan ciyartoyda muhiimka ah ee Barcelona ayaa liiskan ku soo baxay wuxuuna Valverde liiska tartanka Champions league ku soo darsaday da’yara kala ah Carles Alena, Inaki Pena, Jokin Ezkieta, Wague.

Kadib markii uu Valverde isbadalo badan sameeyay kulankii Valladolid waxaa la filayaa in kulanka Lyon uu dib iskugu heli doono shaxdiisii ugu fiicnayd iyada oo Demeble uu garabka midig ee uu bandhiga fiican ka sameeyo ku soo laaban karo. Muuqaalka soo dhawaynta Barca ee Umtiti.

Liiska CIyaartoyda Barcelona ee Kulanka Lyon:Ter Stegen, Nelson Semedo,Gerard Pique, Ivan Rakitic, Sergio Busques, Philippe Coutinho,Luis Suarez,Lionel Messi,Ousmane Dembele, Malcom, Clement Lenglet, Murillo, Jordi Alaba, Prince-Kevin Boateng, Arturo Vidal, Samuel Umtiti, Carles Alena, Inaki Pena, Jokin Ezkieta, Wague.