RASMI: Tababaraha Xulka Qaranka France Ee Didier Deschamps Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xulka Qarankiisa Iyo Anthony Martial Oo Ugu Danbayn Liiskan Ku Soo Baxay.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa soo saaray liiska 24 ka ciyaartoy ee qarankiisa uga qayb gali doona kulamada caalamiga ah ee bishan la ciyaari doono. France ayaa la balansan xulalka qaramada Germany iyo Wales wuxuuna tababare Didier Deschamps ugu danbayn liiska xulka qarankiisa uu ku soo daray xidiga Man United ee Anthony Martial oo liisaskii bilihii hore ka maqnaa France.

Xidigaha uu Didier Deschamps qarankiisa dib ugu yeedhay ayaa kala ah  Anthony Martial (Manchester United), Steven N’Zonzi (Sevilla) iyo Benjamin Pavard (Stuttgart). Gool dhaliyaha PSG ee Kylian Mbappé iyo Alexandre Lacazette oo Arsenal ka tirsan ayaa sidoo kale liiskan booskooda ka sii xejistay.

Paul Pogba ayaa wali ka sii maqnaan doona xulka qarankiisa France waana sababta loogu yeedhay xidiga khadka dhexe ee kooxda Sevilla ee Steven N’Zonzi . Difaacyada Barcelona ee Samuel Umtiti iyo Lucas Digne ayaa liiskan ku soo wada baxay si la mid ah Laurent Koscielny iyo Raphaël Varane.

Liiska Xulka Qaranka France Ee Uu Didier Deschamps Ku Dhawaaqay:

Goolhaye: Alphonse Areola (PSG), Benoît Costil (Bordeaux), Steve Mandanda (Marseille)

Difaaca: Lucas Digne (PSG), Christophe Jallet (OGC Nice), Presnel Kimpembe (PSG), Laurent Koscielny (Arsenal), Layvin Kurzawa (PSG), Benjamin Pavard (VfB Stuttgart), Samuel Umtiti (FC Barcelona), Raphaël Varane (Real Madrid)

Dhexda: Blaise Matuidi (Juventus), Adrien Rabiot (PSG), Corentin Tolisso (Bayern Munich), Steven N’Zonzi (Sevilla), Moussa Sissoko (Tottenham Hotspur)

Weerarka: Kingsley Coman (Bayern Munich), Nabil Fékir (Lyon), Olivier Giroud (Arsenal), Antoine Griezmann (Atletico Madrid), Alexandre Lacazette (Arsenal), Anthony Martial (Manchester United), Kylian Mbappé (PSG), Florian Thauvin (Marseille)

Comments

comments