RASMI: Tababaraha PSG Ee Unai Emery Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Ee Kulanka Real Madrid, Xidiga Maqan Iyo PSG Oo Madrid U Duushay.

Tababaraha kooxda PSG ee Unai Emeryayaa soo saaray liiska 19 ka ciyaartoy ee kooxdiisa uga qayb gali doona kulanka Real Madrid ee habeen danbe. Waxaa liiskan ka maqan afar ciyaartoy isaga oo Emery go’aan ku gaadhay in uu ciyaartoydan liiskiisa ka reebo waxayna haddaba ciyaartoyda PSG u duuleen caasimada Madrid ee dalka Spain iyaga oo tababar diyaar garow ah ku sii qaadan doona Estadio Santiago Bernabéu.

Unai Emery ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa PSG ka reebay xidiga khadka dhexe ee Thiago Motta  kaas oo si buuxda maalmihii ugu danbeeyay tababarka u qaadanayay waxaana booskiisa lagu buuxiyay xidigii hore ee kooxda Real Madrid ee Lassana Diarra oo suuqii bishii January si xor ah ugu soo biiray PSG.

Waxa kale oo liiska PSG ee kulanka Real Madrid ka maqan Hatem Ben Arfa, Nkunku iyo Cibois oo dhamaantood tababarka looga tagay. Laakiin dhamaan ciyaartoyda muhiimka ah ee PSG ayaa liiskan ku soo baxay.
Neymar jr
Halkan kaga bogo liiska Ciyaartoyda PSG ee Kulanka Real Madrid iyo qaabka ay PSG U Soo Saartay:
AREOLA Alphonse
BERCHICHE Yuri
CAVANI Edinson
DANI ALVES
DI MARIA Angel
DIARRA Lassana
DRAXLER Julian
KIMPEMBE Presnel
KURZAWA Layvin
LO CELSO Giovani
MARQUINHOS
MBAPPÉ Kylian
MEUNIER Thomas
NEYMAR JR
PASTORE Javier
RABIOT Adrien
THIAGO SILVA
TRAPP Kevin
VERRATTI Marco