RASMI: Mohamed Salah Oo Ciyaari Doona Kulanka Berri Ee Egypt vs Uruguay Ee Koobka Adduunka Iyo Tababare Cuper Oo Xaaladiisa Ka Warbixiyay.

Tababaraha xulka qaranka Masar, Hector Cuper ayaa ka farxiyey dhamaan jamaahiirta xulka qaranka Masar iyo laacibka Mohamed Salah, kaddib markii uu shaaciyey in caafimaadkiisu taam yahay oo uu ciyaari doono ciyaarta Koowaad ee Koobka Adduunka xulka qarankiisu la yeelanayo Uruagay.

Salah oo ku dhaawacmay ciyaartii finalka Champions League ee dhamaadka bishii May, ayaa shaki weyn ku jiray inuu caafimaadkiisu taam u noqon doono Koobka Adduunk inkastoo uu ku jiray liiska, hase yeeshee tababare Hector Cuper ayaa xaqiijiyey in xiddigiisani uu caafimaadkiisu boqolkiiba boqol yahay oo uu berri go’aamin doono inuu ciyaari doono iyo in kale.

“Waxa aan odhan karaa 100% wuu ciyaari doonaa, wuxuu ka badqabaa wax kasta oo soo gaadhi karaya illaa daqiiqadda ugu dambaysa.” sidaas ayuu yidhi tababare Hector Cuper oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu u qabtay Ruushka.

“Waxa aanu isku dayeynaa inaanu dareensiino kalsooni. Dhakhaatiirtuna waxay siinayaan doorashada ah inuu ciyaarayo iyo in kale. Haddii uu go’aansado inuu ciyaaro, damaanad buuxda ayuu u haystaa xaaladdiisa jidh ahaaaneed, waxaanan hubaa inuu fiicnaan doono.” ayuu ku daray.

Mohamed Salah oo maanta oo Jimce ah u dabbaal-degay sannad guuradii 26aad ee dhalashadiisa ayaa haddii uu go’aansado inuu ciyaaro kulanka Uruguay waxay iska hor iman doonaan Luis Suarez oo hor kacaya xulka qaranka reere Latin America.