RASMI: Taariikhda & Waqtiga Rasmiga Ah Ee La Ciyaari Doono Kulanka Liverpool vs Man City Ee Finalka Community Shield Oo Lagu Dhawaaqay.

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay taariikhda iyo waqtiga rasmiga ah ee la ciyaari doono kulanka finalka Community Shield  ee dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Xili ciyareed kasta bilawgiisa waxaa lagu furaa kulanka finalka Community Shield  oo ay wada ciyaaraan kooxaha ku guulaysta koobka Premier League iyo FA Cupka ama kooxda kaalinta labaad ka gasha Premier League.

Manchester City ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku soo guulaystay koobka Premier league waxayna xili ciyaareedkii dhamaaday ku soo darsatay FA Cupka taas oo sabab u noqotay in Liverpool oo kaalinta labaad ku dhamaysatay ay City kula tartami doonto Community Shield.

SIDOO KALE AKHRISO:  Muxuu Neymar Jr Ula Jeeday Qoraalkan Uu Baraha Bulshada Soo Dhigay Ee Uu Ka Soo Qaatay Bob Marley?

Liverpool oo kaalinta labaad kaga dhamaysatay Premier League ayaa xaq u yeelatay in ay ka soo muuato finalka Community Shield maadaama oo ay Man City noqotay kooxda wada hanatay labada koob ee Premier League iyo FA Cupka ee ay kooxaha ku guulaystaa koobkan wada ciyaari lahaayeen.

In kulanka Community Shield ay wada ciyaari doonaan Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola waxa uu sii hurin doonaa xifiltanka cusub ee Man City iyo Liverpool u soo socday xili ciyaareedkii soo dhamaaday.

Kulanka finalka Community Shield ee kooxaha Liverpool iyo Man City waxaa la ciyaari doonaa maalinta axada, August 4 , 2019 marka ay saacadu tahay 3:00pm BST.

SIDOO KALE AKHRISO:  Musharaxiinta Goolka Sannadka FIFA Ee Puskas Award Oo La Shaaciyay - Lionel Messi Oo Ku Soo Baxay, Cristiano Ronaldo & Mohamed Salah Oo Seegay

Waxaana finalka Community Shield lagu ogaadaa awooda kooxaha loo saadaaliyo koobka Premier League ee xili ciyaareedka cusub waana goob uu ka bilaami doono dagaalka Man City iyo Liverpool ee 2019/2020.

Liverpool ayaa koobka Community Shield ka qayb gali doonta markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2006 kii markaas oo ay Chelsea guul 2-1 ah kaga gaadheen garoonka  Millennium Stadium  ee magalaada Cardiff.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha kooxah Premier league ee Liverpool iyo Man City ayaa maalmo yar ka hor bilawga xili ciyaareedka cusub ee Premier league waxay ogaan doonaan inta ay gaadhsiisan tahay awooda kooxahoodu.