RASMI: Taariikhda & Waqtiga La Ciyaarayo Kulanka Madrid Derby Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Maamulka La Liga Oo Shaaciyay Goorta La Ciyaarayo Dhamaan Kulamada 12-Aad Ee Horyaalka Spain.

Maamulka horyaalka La Liga ayaa hadda si rasmi ah u shaaciyay taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doono kulamada 12 aad ee horyaalka La Liga waxaana kulamadan ka mid ah kulanka Madrid Derby ee dhex mari doona kooxaha dariska ah ee Atletico Madrid iyo Real Madrid. Real Madrid ayaa hadda og waqtiga ay markii ugu horaysay booqan doonto garoonka cusub ee Estadio Wanda Metropolitano  oo ay Atletico Madrid kula soo ciyaari doonto.

Kulanka Madrid Derby ee garoonka  Estadio Wanda Metropolitano ku dhex mari doono kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa la ciyaari doonaa maalinta sabtida ah ee November 18 marka ay saacada Spain tahay 8:45 habeenimo.

Barcelona ayaa iyaduna isla kulamada 12 aad ee horyaalka La Liga booqan doonta kooxda Leganes waxaana kualnkan la ciyaari doonaa jimcaha November 17. Kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Valencia ayaa iyaduna la ciyaari doonta kooxda Espanyol.

Kulanka ugu xiisaha badan ee kulamada 12 aad ayaa ah kulanka Madrid Derby iyada oo labada kooxood ee ree Madrid ay mid kastaaba u baahan tahay in ay ka soo kabsato dhibcihii ay soo lumiyeen tobankii kulan ee ilaa hadda la soo ciyaaray.

Kulanka Madrid Derby ayaa ka mid ah kulamo adag oo ay Los Blancos sii ciyaari doonto ka hor kulanka El Clasico-da ay Bernabeu ku soo dhawayn doonto kooxda Barcelona. Zidane iyo Simeone ayaa markii ugu horaysay xili ciyaareedkan iska hor iman doona November 18.

Halkan kaga bogo jadwalka kulamada 12 aad ee la Liga ee La Shaaciyay Waqtiga La Ciyaarayo.

Comments

comments