RASMI: Suuqa Kala Iibsiga Horyaalka Premier Leaague Oo Furmay Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyadu Ka Qoreen Xidigaha La Kala Doonayo.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ee horyaalka Premier League ayaa maanta oo khamiis ah kulan beegan May 17,2018 si rasmi ah u furmay, waxayna kooxaha England haddaba bilaabi karaan in ay la soo saxiixdaan ciyaartoyda ay ka doonayaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kadib markii isbadal lagu sameeyay waqtigii uu suuqu furmi jiray isla markaana la soo xidhi jiray.

Kooxaha Premier league iyo waliba kooxaha heerka hoose ee dalka England ayaa u codeeyay in meesha laga saaro dhaqankii ahaa in suuqa kala iibsigu sii furnaado iyada oo horyaaladu bilawdeen, waxayna bilawgii xili ciyaareedkan dhamaadka ah go’aansadeen in suuqa kala iibsiga xagaagu xidhmo August 9,2018 oo ah maalinta ugu horaysa ee uu horyaalku dib u furmi doono.

Go’aanka kooxaha England ayaa saamayn ku yeelan doona suuqa kala iibsiga iyaga oo aan qayb ka noqon doonin maalinta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ugu danbaysa ee deadline day-ga ee ay kooxaha Yurub saxiixyo samayn karaan, waxayna go’aankan u gaadheen si ciyaartoyda ayna saamayn ugu yeelan iyada oo kulamo la ciyaarayo oo uu xili ciyaareedka cusubi muddo bil ah socdo.

Haddaba si laysku waafajiyo go’aanka kooxaha England iyo sharciga FIFA, waxaa qasab noqotay in hal bil la soo horumariyay waqtigii uu furmi jiray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee England, taas oo la micno ah in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay May 17,2018 ilaa August 9, 2018 suuqa xagaaga ee England uu furnaan doono.

Haddii aan intaas ku soo dhaafno xogta iyo sababta uu suuqa xagaaga ee England maanta si rasmi ah ugu furmay, aan soo qaadano wararkii ugu danbeeyay ee ay wargaysyadu ka qoreen xidigaha la kala doonayo.

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa maamulka kooxdiisa ogaansho u siiyay in ay la soo saxiixan karaan Mohamed Salah iyada oo xidiga ree Masar uu ku jiro liiska madax wayne Florentino Perez uu Bernabeu ka doonayo. Wariyaha ree Spain ee Eduardo Inda ayaa sheegay: “Haddaba Zidane waxa uu Ok-da siiyay Salah”.

Manchester United ayaa baacsanaysa xidigaha ree Brazil ee Fred iyo Willian oo ka kala tirsan kooxaha Shakhtar iyo Chelsea sida ay u kala horeeyaan, wuxuuna wargayska Express Sport shaaciyay in Red Devils ay labadan xidig ee khadka dhexe doonayso in ay la soo wareegto.

Antoine Griezmann ayaa iska diiday in uu ka hadlo wararka Barcelona la xidhiidhinaya isaga oo kadib guushii Europa League yidhi: “Hadda ma ah waqtigii aan ka hadli lahaa mustaqbalkayga, waxaa waajib igu ah in aan ku raaxaysto ku guulaysiga koobka oo aan jamaahiirta la dabaal dego. Xaqiiqdu waxay tahay in kani uu riyadayda ahaa, in aan Atletico, Simeone , saaxiibaday iyo ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay aan koob kula guulaysto”.

Wayne Rooney oo la filayay in uu ka baxayo Everton ayaa ku sii nagaan kara Premier League wuxuuna u sii ciyaari karaa kooxdiisa Everton maadaama oo hadda uu kooxda ka baxay Sam Allardyce sida uu sheegay wargayska The Sun.

Goolhayaha Manchester City ee Joe Hart oo liiska xulka qarankiisa England ee koobka aduunka laga saaray ayaan wali haysan koox Premier League ah oo doonaysa in ay si rasmi ah ula wareegto isaga oo soo dhamaystay heshiiskii amaahda ahaa ee uu West Ham ku joogay sida uu qoray The Sun.

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay lacag ku kharash garayso saddex difaac iyada oo doonaysa in ay Borussia Dortmund kala soo saxiixato Sokratis Papastathopoulos, waxayna sidoo kale xiisaynaysaa difaaca kooxda Freiburg ee Caglar Soyuncu iyo waliba difaaca ay inta badan daba socotay ee Jonny Evans oo ka tirsan kooxda West Brom sida uu daabacay wargayska Daily Mirror.

Steven Gerrard oo dhawaan loo doortay macalinka kooxda Rangers ayaa liiska ciyaartoyda uu doonayo ku darsaday xidigii ay Liverpool ka soo wada ciyaareen ee Lucas Leiva iiyo gool dhaliyaha Bournemouth ee Jermain Defoe sida uu qoray wargayska The Scottish Sun.

Manchester United ayaa liiska difaacyada ay doonayso ku darsatay Sime Vrsaljko oo ka tirsan kooxda koobka Europa League ku guulaysatay ee Ateltcio Madrid sida lagu sheegay wargayska Daily Mail.

Tababarihii hore ee Barcelona ee Luis Enrique ayaa rajaynaya in uu qabto shaqada tababaranimo ee kooxda Chelsea kadib markii ay Napoli wada xaajoodyo heshiis cusboonaysiin ah la yeelatay macalinka Chelsea diirada u saarnaa ee Maurizio Sarri sida uu qoray Telegraph.