RASMI: Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Tartankii Copa America Ee Brazil Ku Soo Xidhmay Oo La Soo Saaray.

Dhawaan waxaa dalka Brazil lagu soo gaba gabeeyay tartanka Copa America ee xulalka qaramada South America kaas oo uu ku soo guulaystay dalkii koobkan marti galinayay ee Brazil kadib markii ay 3-1 ku garaaceen xulka Peru.

Xidhiidhka kubbada cagt a South America ee CONMEBOL ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay shaxda kooxdii ugu fiicnayd Copa America ee laga soo xulay 11 kii ciyaartoy ee ugu bandhiga fiicnaa.

Xulka qaranka Brazil ayaa shan ciyaartoy ku yeeshay shaxda kooxda ugu fiicnayd tartankii Copa America iyada oo goolhaye Alisson Becker uu shaxdan goolka ugu soo baxay.

Dani Alves iyo Thiago Silva oo difaaca ku jira ayaa sidoo kale ka tirsan xulka qaranka Brazil ee koobkan ku soo guulaystay.

Arthur Melo oo khadka dhexe ah iyo Everton Soares oo garabka weerarka bixid ah ayaa shaxdan ku soo wada baxay kadib markii ay bandhig fiican u soo sameeyeen xulkooda Brazil.

Lionel Messi, Sergio Aguero, Alexis Sanchez iyo xidigaha magaca wayn ee Copa America ka qayb galay ayaan shaxdan meel ka helin iyada oo ay weerarka ku wada jiraan James Rodriguez, Everton iyo Guerrero.

Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Copa America Ee uu Xidhiidhka kubbada Cagta South America sida rasmiga ah ugu dhawaaqay oo dhamaystiran.