RASMI: Sharciga Codbixinta Abaal Marinta Ballon d’Or Oo Ay France Football Wax Ka Badashay Iyo Qaabka Loogu Codanayo 30-ka Ciyaartoy Ee U Sharaxan Abaal Marintan Oo La Shaaciyay.

Majalada France Football ayaa sanadkan isbadal ku samaysay hanaanka codbixinta musharixiinta abaal marinta Ballon d’Or 2017 oo ay shalay ku dhawaaqday 30 ka ciyaartoy ee iskugu soo hadhay. France Football ayaa bixinaysa abaal marintii 62 aad ee Ballon d’Or iyada oo xidiga dhibcaha iyo codka ugu badan helaa uu abaal marintan ku guulaysan doono. Tan iyo sanadkii 2007 kii wixii ka danbeeyay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa dhexdooda ugu soo guulaysanayay abaal marintan waxayna wali ka mid yihiin xidigaha ugu cad cad ee ku guulaysan kara.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa isha soo marisay sharciga cusub ee ay France Football ku dhawaaqday in loogu codayn doono musharixiinta Ballon d’Or ee liiskan iskugu soo hadhay iyada oo faah faahin laga bixiyay qaabka xidigahan lagu kala saari doono.

Ugu horayn France Football ayaa shaacisay in isbadalka ugu wayn ee hanaanka codbixinta abaal marinta Ballon d’Or lagu sameeyay uu yahay in la kordhiyay ciyaartoyda uu halkii codeeye soo xulan karo. Sida la ogyahay waxaa codbixinta Ballon d’Or  samayn doona Jouranlistayaal aduunka oo dhan laga soo xulay laakiin markii hore waxa uu suxufi kastaa haystay in uu saddex ciyaartoy oo kaliya u codayn karo balse markan waxaa laga dhigay in uu shan ciyaartoy u codayn karo iyada oo min kaalinta kowaad ilaa kaalinta shanaad uu codkiisa u qayb karo.

Haddii aan idin xusuusiyo markii hore wariye kastaaba waxa uu soo qaadan jiray magacyada saddex ciyaartoy, wuxuuna kaalinta kowaad siin jiray ciyaartoyga uu u arko in uu ugu fiican yahay taas oo la micno ahayd in uu siiyay 5 dhibcood, xidiga labaad ee uu codkiisa siiyo ayaa heli jiray 3 dhibcood halka xidiga uu kaalinta saddexaad ugu codeeyaa uu heli jiray hal dhibic.

Laakiin hanaanka cusub ee ay hadda France Football shaacisay, wariye kastaaba waxa uu soo xulan doonaa magacyada shan ciyaartoy waxaana la siiyay doorasho laba ciyaartoy oo dheeraad ah laakiin ciyaartoyga uu kaalinta kowaad ugu codeeyaa waxa uu heli doonaa 6 dhibcood, xidiga uu kaalinta labaad ugu codeeyaa waxa uu heli doonaa 4 dhibcood, xidiga uu kaalinta saddexaad ugu codeeyaa waxa uu heli doonaa 3 dhibcood iyada oo xidiga kaainta afraad uu ugu codeeyaa uu 2 dhibcood hali doono halka xidiga uu kaalinta shanaad siiyaa uu heli doono kaliya 1 dhibic.

Ujeedada hanaankii codbixinta loo badalay ayay France Football ku sheegtay in suxufiinta la siiyo fursada ay ugu codayn karaan shan ciyaartoy iyada oo in 3 ciyaratoy laga soo xusho liiska 30 ka ciyaartoy ay tahay mid adag, waxaana sidoo kale warbixinta lagu cadeeyay in arintani ay fursad wayn siinayso in ugu dhawaan liiska ciyaartoydan ku soo baxay ay cod wada heli karaan halka markii hore ay codbixintu aad ugu koobnayd saddexda xidig ee ugu fiican oo kaliya.

France Football ayaa sheegtay in ayna waxba ka badalin tirada suxufiyiinta go’aamin doona codbixinta Ballon d’Or  waxaana sidii sanadkii hore ka qayb gali doona 173 wariye ama suxufi oo laga soo xuli doono aduunka oo dhan waana saxaafada kubbada cagta ka faaloota ee khibrada u leh in ay wax kala dooran karaan.

Maxaa Dhici Doona Haddii Laba Ciyaartoy Ay isku Dhibco Ku Noqdaan Kaalinta kowaad, Labaad Ama Saddexaad?

France Football ayaa shaacisay waxa la samayn doono haddii laba ciyaartoy ay isku dhibco ku noqdaan kaalinta kowaad, labaad ama saddexaad, waxaana sharciga codbixinta Ballon d’Or  lagu xusay in haddii ay arintan oo kale dhacdo la samayn doono codbixin sir ah oo ku kooban ciyaartoyda isku booska ugu fadhiistay dhibcaha iyo codka isku midka ah.

Tusaale ahaan haddii Neymar Jr iyo Paulo Dybala ay kaalinta saddexaad ugu wada jiraan 400 dhibcood, waxa uu sharciga France Football ee ay shaacisay dhigayaa in labadooda codbixin gaar ah loo saamaynayo si loo kala saaro. Laakiin min kaalinta afraad ilaa kaalinta 30 aad waxay ciyaartoydu wada gali karaan hal boos ama kaalin isku mid ah.

Ugu danbayn France Football ayaa dadka xusuusisay in ayna sida FIFA soo saari doonin saddexda ciyaartoy ee kaalmaha hore gala balse ay isku maalin wada shaacin doonto qaabka codka loo kala helay iyo kaalmaha lagu kala guulaystay iyada oo marka liiska la dhamaystiro la ogaan doono guulaystaha, waxaana shuruuda xidigaha loogu codaynayo ka mid ah, bandhigiisa shaqsiga ah, guulaha uu kooxdiisa la soo gaadhay nooca ciyaartoy ee uu yahay.

 

Comments

comments