RASMI: Shanta Xidig Ee Iskugu Soo Hadhay Abaal Marinta Wiilka Dahabiga Ah Ee Golden Boy Oo La Shaaciyay Iyo Xidig Si Layaableh Looga Dhex Waayay.

Waxaa la soo saaray liiska kama danbaysta ah ee shanta ciyaartoy ee ku tartami doona abaal marinta wiilka dahabiga ah ee Golden Boy kaas oo sanad kasta la bixiyo laakiin shanta xidig ee iskugu soo hadhay abaal marintan waxaa laga dhex waayay ciyaartoy markii hore loo arkayay in uu yahay kan ugu cad cad ee ku guulaysan kara.

Wargayska caanka ah ee Tuttosport oo iska leh xuquuqda bixinta abaal marinta Golden Boy ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay shanta musharax ee mid ka mid ahi ku guulaysan doono abaal marintan iyada oo da’yarka Kylian Mbappe oo abaal marintan loo saadaalinayay uu gabi ahaanba ka maqan yahay shanta musharax ee abaal marintan iskugu soo hadhay.

Liiska musharixiinta abaal marinta Golden Boy ayaa markii hore ahaa 100 ka da’yar ee kubbada cagta aduunka ugu fiican laakiin sidii hadba codobixin loogu soo qaadayay waxaa iskugu soo hadhay shan xidig oo ugu danbayn mid ka mi ahi uu ku guulaysan doono.

Waa Kuwee Shanta Da’yar Ee Iskugu Soo Hadhay Abaal Marinta Golden Boy?

Da’yarka kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa ku soo baxay liiska shanta musharax ee u taagan abaal marinta wiilka dahabiga ah wuxuuna liiskan kula jiraa da’yarka AS Roma ee Justin Kluivert,  Matthijs de Ligt oo Ajax ka tirsan isla markaana ay kooxaha yurub ku dagaalamayaan, da’yara Patrick Cutrone ee kooxda AC Milan iyo waliba Trent Alexander- Arnold oo wacdaro ka soo dhigay Liverpool.

Trent Alexander- Arnold ayaa hadda ka mid ah xidigaha sida wayn loogu saadaalinayo in ay ku guulaystaan abaal marinta Golden Boy kadib markii liiskan laga dhex waayay Mbappe oo loo arkayay in sanadkii labaad oo xidhiidh ah uu abaal marintan ku guulaysanayo.

Dhamaan shanta da’yar ee liiskan ku soo baxay ayaa bandhigyo fiican soo sameeyay waxaana abaal marinta Golden Boy si rasmi ah loo bixin doonaa December 17 markaas oo la ogaan doono da’yarkan la gudoonsiin doono abaal marinta wiilka dahabiga ah ee 2018.

Haddii uu Vinicius Jr ku guulaysto abaal marinta Golden Boy waxa uu noqon doonaa xidigii saddexaad oo kaliya ee reer Brazil ah ee abaal marintan ku guulaysata waxaana uga horeeyay Anderson – 2008 iyo Pato – 2009.

Laakiin waxaa abaal marintan hore ugu soo guulaystay ciyaartoy badan oo magac wayn sida Lionel Messi, Sergio Aguero, Raheem Sterling, Anthony Martial, Paul Pogba, Isco waqtigii uu Malaga ka tirsanaa si la mid ah Fabregas iyo  Kylian Mbappe oo sanadkii hore abaal marintan ku guulaystay.

Haddaba akhriste, shantan musharax ee Vinicius, Justin Kluivert,  Matthijs de Ligt , Patrick Cutrone iyo Trent Alexander- Arnold, midkee u qalma ku guulaysiga abaal marint Golden Boy ee wiilka dahabiga ah ee 2018?

 

1 Comment

Comments are closed.