RASMI: Saxiixa Cusub Ee Eder Militao Oo Si Guul Leh Uga Gudbay Tijaabada Caafimaadka Real Madrid.

Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in difaaca xulka Brazil ee Eder Militao uu si guul leh uga gudbay tijaabada caafimaadka kooxdeeda ka hor inta aan si rasmi ah saxaafada iyo taageerayaasha loogu soo bandhigin.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in maanta oo arbaca ah saxaafada iyo taageerayaasheeda ay u soo bandhigayso saxiixa cusub ee Eder Militao kaas oo ay bihsii January heshiis buuxa kala sii gaadhay kooxdiisii hore ee FC Porto.

Eder Militao ayaa qaybtii danbe ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay loo ogolaaday in uu sii wato kooxdiisii hore ee FC Porto wuxuuna xulkiisa Brazil ka soo caawiyay ku guulaysiga koobka Copa America.

Laakiin Eder Militao ayaan waqti iska lumin wuxuuna markii uu soo dhamaaday Copa America uu u soo safray caasimada Madrid halkaas oo uu hadda kaga gudbay tijaabada caafimaadka kooxdiisa cusub ee Los Blancos.

Real Madrid ayaa heshiiska Eder Militao  ku dhawaaqday March 14,2019 kadib markii ay FC Porto miiska u saareen lacagta heshiiskiisa lagu burburin karayay oo ahayd 50 milyan yuro.

Waxay Real Madrid hore u shaacisay in July 1 ay si rasmi ah u dhamaystirayso heshiiska Eder Militao laakiin isaga oo qayb ka ahaa liiskii xulka Brazil ee Copa America waxay ugu danbayn Madrid hadda shaacisay in hadda tijaabada caafimaadka kooxdeeda ku maray Sanitas La Moraleja University Hospital.

Real Madrid ayaa xagaagan la soo saxiixatay ciyaartoyda kala ah Eder Militao, Eden Hazard, Ferland Mendy, Luka Jovic, Rodrygi Goes waxayna haddaba dhaaftay 300 milyan yuro oo ay suuqa ku kharash garaysay.

Eder Militao ayaa maanta ku sugnaan doona xafiisyada Santiago Bernabeu halkaas oo uu ku saxiixi doono  heshiis lix sanadood ah waxaana kadib loo soo bandhigi doonaa saxaafada iyo taageerayaasha oo Bernabeu kaga soo qayb gali doona.