RASMI: Santiago Solari Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyda Kooxdiisa Real Madrid Ee Kulanka FC Girona-Ayaa Maqan Ayaase Liiskan Ku Jira?

Real Madrid ayaa u safraysa kooxda FC Girona waxayna ciyaari doontaa kulanka horyaalka La liga ka hor inta ayna isku diyaarin kulamada xidhiidhka ah ee El Clasico-da ee ay Bernabeu ku soo dhawayn doonaan Barcelona kuwaas oo La Liga iyo Copa Del Rey iskugu jira.

Santiago Solari ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa Real Madrid ee kulanka FC Girona waxaana kulankan ganaax ku seegaya Luka Modric oo kulankii Atletico Madrid qaatay kaadhkiisii shanaad ee digniinta ahaa.

Laakiin Karim Benzema oo kulankii Ajax ee Champions league dhaawac fududi soo gaadhay ayaa liiskan ku soo baxay iyada oo Solari uu go’aamin doono haddii uu shaxdiisa ku soo bilaabi doono iyo haddii uu kaydka ku nasin doono.

Raphael Varane oo xanuun hayay ka soo kabsaday ayaa liiskan ku soo laabtay halka Vinicius Jr uu weerarka ku soo baxay laakiin Gareth Bale ayaan ku jirin liiska ciyaartoyda Real Madrid ee uu Solari soo saaray.

Goolhayayaasha: Keylor Navas, Thibaut Courtois, Luca Zidane

Difaacyada: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Odriozola, Reguilon

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Casemiro, Valverde, Valverde, Dani Ceballos

Weerarka: Mariano Diaz, Karim Benzema, Lucas Vazguez, Vinicius Jr