RASMI: Sadio Mane Oo Hogaaminaya Liiska Xulka Qarankiisa Senegal Ee Koobka Aduunka Iyo Todoba Xidig Oo Britain Ka Ciyaara Oo Liiskan Ku Soo Baxay.

Liiska xulka qaranka Senegal ee koobka aduunka kaga qayb gali doona dalka Ruuska ayaa la soo saaray waxaan liiskan hogaaminaya gool dhaliyaha kooxda Liverpool ee Sadio Mane kaas oo ilaa dhamaadka bishan aan la midoobi doonin ciyaartoyda qarankiisa maadaama oo uu hadda diirada ku hayo finalka Champions League ee Kiev.

Waxaa liiskan Sadio Mane kula soo baxay lix ciyaartoy oo kale oo iyaguna UK ka ciyaara laakiin waxaa liiskan ka maqan difaaca Crystal Palace ee Pape Souare. Xidiga kooxda Everton ee Idrissa Gueye iyo xidiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Cheikhou Kouyate ayaa liiskan booskooda ka helay.

Xidiga kooxda AS Monaco ee Diao Balde Keita ayaa liisan ku soo baxay wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda uu xulka qaranka Senegal ka rajaynayo in ay wax badan soo kordhin karaan marka uu furmo koobka aduunku.

Xulka qaranka Senegal oo ka mid ah shanta dal ee qaarada Afrika ku matalaya koobka aduunka ayaa qayb ka ah Group H waxayna ku wada jiraan marti galiyaasha Russia, Colombia, Japan iyo Poland.

Liiskan ciyaartoydan ayaa inta ugu badan laga soo xulay kooxaha ka dhisan Yurub iyo ciyaartoyda ree Senegal ee khibrada badan soo helay iyada oo ay kala yimaadeen horyaalada Premier League, Serie A, Ligue 1 si la mid ah horyaalada kale ee Yurub oo uu horyaalka Belgium ka mid yahay.

Liiska Xulka Qaranka Senegal Koobka Aduunka Loo Soo Xulay:

Goolhayayaasha: Khadim Ndiaye (Horoya AC), Abdoulaye Diallo (Rennes), Alfred Gomis (Torino)

Difaaca: Kara Mbodji (Anderlecht), Kalidou Koulibaly (Napoli), Moussa Wague (Eupen), Saliou Ciss (Angers), Youssouf Sabaly (Bordeaux), Lamine Gassama (Alanyaspor), Armand Traore (Nottingham Forest), Salif Sane (Hannover 96)

Khadka Dhexe: Pape Alioune Ndiaye (Stoke), Idrissa Gueye (Everton), Cheikhou Kouyate (West Ham), Cheikh N’Doye (Birmingham)

Weerarka: Sadio Mane (Liverpool), Diao Balde Keita (Monaco), Ismaila Sarr (Rennes), Diafra Sakho (Rennes), Moussa Konate (Amiens), Mame Biram Diouf (Stoke), Mbaye Niang (AC Milan)