RASMI: Real Madrid Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Fadeexadii Football Leaks Ee In Sergio Ramos Uu Daroogo Isticmaalay Finalkii Champions League.

Real Madrid ayaa sheegtay in kabtankooda Sergio Ramos inuusan marnaba ku dhicin baaritaanada isticmaalka daroogooyinka mamnuuca ka ah isboortiga ka dib markii eedeymo sidaas la xiriirsa lagu qoray jariirada Jarmalka ee Der Speigel oo soo xiganeysa sir faafiyaha kubada cagta Football Leaks.

Football Leaks ayaa sheegtay in Sergio Ramos kadidiisa laga helay maado mamnuuc ka ah inay qaataan ciyaartoyda ka dib kulankii finalka Champions League ee 2017 oo ay Real Madrid 4-1 kaga qaaday Juventus.

Sidoo kale Football Leaks waxa ay sheegtay in Ramos uu diiday amarka saraakiisha baareysay oo ahaa inuusan qubeysan ka hor baaritaanka kulan La Liga ahaa oo Real Madrid ay la ciyaareysay kooxda Malaga bishii April ee sannadkan 2018.

Warbixinta Football Leaks waxaa lagu sheegay in midkoodna dhacdooyinkaas inaysan UEFA wax talaabo ah ka qaadin ciyaaryahanka.

Laakiin warbixin lasoo dhigay website-ka Real Madrid ayaa jawaab looga bixiyay eedeymahaan waxaana si adag loo beeniyay wararkii uu banaanka soo dhigay Football Leaks ee sheegay in Sergio Ramos uu ku dhacay tijaabadii UEFA ee kadib finalkii Champions League.

Waxaana qoraalka Real Madrid lagu yidhi: “Anagoo tixraaceyna warbixinta ay daabacday Der Spieel oo la xiriirta kabtankeena Sergio Ramos, kooxda ay shaacineysaa qodobadaan:

“1. Sergio Ramos waligiisna kuma xadgubin sharciyada u degsan ka hortaga isticmaalka daroogooyinka mamnuuca ah.

“2. UEFA waxa ay codsaday wabixin waqtiyeeysan, waxaana kiiska la xiray durbadiiba sida caadiyan dhacda kiisaskaan oo kale, waxaana kiiska la xiray ka dib markii ay xaqiijiyeen qubaro ka socda hay’ada caalmiga ee ka hortaga isticmaalka dawooyinka mamnuuca ka ah isbootiga WADA, AMA iyo Uefa laf ahaanteeda.

“3. Arimaha kale ee warbixinta lagu sheegay kooxda kama hordhaceyso iyadoo aan cadeyn dhab ah lala imaanin.”