RASMI: Real Madrid Oo Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Heshiiska Xidigii Kooxda Olympique Lyonnais Ee Ferland Mendy Iyo Waqtiga La Soo Bandhigi Doono.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay difaacii kooxda Olympique Lyonnais ee Ferland Mendy kaas oo ay hore Madrid heshiiskiisa ula gaadhay kooxda reer France ee Lyon.

Todobaadyadii la soo dhaafayay ayay kooxaha Real Madrid iyo Olympique Lyonnais heshiis buuxa ka gaadheen iibka Ferland Mendy kaas oo ku biiray liiska ciyaartoyda cusub ee uu Zidane ku soo dhawaynayo Bernabeu.

Real Madrid ayaa shaacisay waqtiga uu Ferland Mendy soo gali doono Santiago Bernabeu ee loo soo bandhigi doono saxaafada iyo taageerayasha kooxdiisa cusub ee Madrid.

War saxaafadeedka ay Real Madrid ku shaacisay heshiiska Mendy ayaa lagu sheegay in uu xidiga reer France saxiixay ehshiis lix sanadood ah kaas oo Bernabeu ku sii hayn doona ilaa June 30,2025.

Real Madrid ayaa sidoo akle shaacisay waqtiga Mendy saxaafada loo soo bandhigi doono markaas oo uu xidhan doono maaliyada Los Blancos isla markaana uu saxaafada kula hadli doono Bernabeu.

Sida warka rasmiga ah ee Madrid lagu xaqiijiyay, Mendy ayaa saxaafada loo soo bandhigi doonaa Arbacada soo socota ee ay taariikhdu noqon doono June 19 marka ay saacada Spain tahay 1:00 PM.

Waxaana heshiiska Mendy lagu soo bandhigi doonaa qaybta VIP Box-ka ee garoonka Santiago Bernabéu stadium.

Real Madrid ayaa maanta saxaafada u soo bandhigtay heshiiska Luka Jovic, waxayna barri oo khamiis ah u balansan yihiin in xafladii ugu waynayd loo sameeyo Eden Haxard halka Mendy uu ilaa arbacada waqtigiisa sugi doono.