RASMI: Real Madrid Oo Ku Dhawaaqday Kooxda Ay Sanadkan Ku Marti Qaaday Koobka Trofeo Santiago Bernabéu Iyada Oo Taariikhda Iyo Waqtiga La Ciyaarayo Oo La Shaaciyay

Kooxda Real Madrid ayaa xili ciyaareed kasta bilawgiisa ciyaarta koobka saaxiibtinimo ee Trofeo Santiago Bernabéu kaas oo lagu xuso madaxwaynihii waqtiga dheer kooxdeeda soo maamulay ee Santiago Bernabeu waxayna Los Blancos ku dhawaaqday kooxda ay sanadkan ku marti qaaday garoonkeeda Bernabeu ee kala qayb galaysa Trofeo Santiago Bernabéu.

Real Madrid ayaa sidoo kale si rasmi ah u shaacisay taariikhda iyo waqtiga la ciyaarayo kulankan markaas oo ay jamaahiirta Real Madrid fursad u heli doonaan in markii ugu horaysay tan iyo dhamaadkii ciyaareedkii hore ay Santiago Bernabeu ka soo xaadiri doonaan.

Kulanka koobka saaxiibtinimo ee Trofeo Santiago Bernabéu ayay sanadkan Real Madrid ku marti qaaday kooxda AC Milan waxaana kulankan la ciyaari doonaa maalinta sabtida ee August 11,2018 marka ay saacadu tahay 9:00pm CEST, waana waqtiga uu Julen Lopetegui markii ugu horaysay ka soo muuqan doono kaydka Bernabeu.

Laga soo bilaabo sanadkii 1979 kii ilaa 1984 waxaa koobka saaxiibtinimo ee Trofeo Santiago Bernabéu ku tartami jiray afar kooxood, waxayna ku tartami jireen semi-finalka iyo kaalinta saddexaad si la mid ah finalka koobkan laakiin tan iyo sanadkii 1985 kii waxaa loo badalay mid laba kooxood u dhexeeya.

Real Madrid ayaa sanadkasta xili ciyaareedka bilawgiisa soo casuunta kooxda ay doonayso in ay koobkan kula tartanto laakiin markale sanadkii 2002 waxay Madrid ka dhigtay afar kooxood  markaas oo ku beegnayd sanad guuradii qarniga ee aas aaskii Real Madrid oo ku beegnayd March 6,1902.

Markii ugu horaysay ee ay Real Madrid qabtay koobka xuska halyaygeedii hore ee Santiago Bernabeu waxay ahayd sanadkii 1979 kii waxaana finalkii iskugu soo baxay kooxaha Bayern Munich iyo Ajax markaas oo ay Bayern guul 2-0 ah koobkan ku qaaday.

Sanadkii hore Real Madrid ayaa koobka Trofeo Santiago Bernabéu ku soo marti qaaday kooxda Fiorentina waxaana guul 2-1 ah koobkan ku qaaday kooxda dhigtay ee Real Madrid waxaana sanadkan markale lagu casuumay koox Talyaani ah iyada oo AC Milan iska soo xaadirin doonto Bernabeu.