RASMI: PSG Oo Shaacisay Warkii Ay Sugayeen Jamaahiirta Kooxdeeda & Kuwa Man United Iyo Warbixin Caafimaad Oo Ay Kasoo Saareen Dhaawaca Edinson Cavani.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah u shaacisay warkii ay u dhag taagayeen inta badan jamaahiirta kooxdeeda iyo kuwa kooxda Manchester United ee la xidhiidhay xaalada dhaawaca weeraryahanka kooxdeeda ee Edinson Cavani.

Edinson ayuu dhaawac kasoo gaadhay sinta kulankii  ay guusha 1-0 ah ka gaadheen kooxda Bordeaux Sabtidii markaas oo uu ahaa xiddiga dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta lagu kala adkaaday.

Kaddib kulankaas uu dhaawacu ku gaadhay Cavani, Tababaraha kooxdiisa ee Thomas Tuchel ayaa niyad xumo ka muujiyay haddii uu taam u noqon doono kulanka Old Trafford isaga oo sheegay inay warbixinta ka war sugi doonan.

Haddaba, Paris ayaa haatan warbixin caafimaad kasoo saartay dhaawaca weeraryahankeeda iyaga oo shaaciyay mudada uu maqnaan doono ay kaliya ku xidhnaan doonto horumarka uu soo kabashadiisa ka sameeyo waxaana ay diideen inay wax wakhti ah cayimaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Miyuu Sadio Mane Taam Buuxa U Yahay Inuu Caawa Chelsea Wajaho Kaddib DAAL Badan? Isaga Qudhiisa Ayaa Jawaab Ka Bixiyay.

Warbixinta PSG ayaa u taalay sida tan “Daawaynta dhaawacan iyo mudada maqnaanshihiisu waxa ay ku tiirsanaan doonaan horumarka dhaawaca ee maalmaha soo socda”

Paris Saint-Germain ayuu horeba uga maqnaa weeraryahanka kooxdeeda ee Neymar JR kaas oo si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono mudo laba bilood iyo badh ah.

Dhinaca kale Marco Verratti oo markii hore taam ahaanshihiisa shaki la galinayay ayaa la filayaa inuu kusoo bilawdo kulanka Manchester United maadaama oo uu 59 daqiiqo ka ciyaaray kulankii Bordeaux.