RASMI: Pep Guardiola Oo Ku Guulaystay Laba Abaal Marinood Oo Muhiim Ah Isaga Oo Sii Wata In Uu Urursado Dhaaman Abaal Marinaha Muhiimka Ah Ee Premier League.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ku guulaysatay labada abaal marinood ee horyaalka Ingiriiska ugu qaalisan kadib markii uu kooxdiisa si layaableh uga soo caawliyay in ay dhibco, gool iyo guulo rekoodh ah ku qaaday koobka Premier league. Guardiola ayaa xili ciyaareedkan ku soo guulaystay abaal marino badan isaga oo sidoo kale rekoodh cusub ku soo dhigay abaal marinta macalinka bisha ugu fiican Premier League.

Macalinka ree Spain ayaa xalay la gudoonsiiyay laba abaal marinood oo muhiim u ah waayihiisa tababaranimo isaga oo markii hore la gudoonsiiyay abaal marinta tababaraha xili ciyaareedkan horyaalka Ingiriiska ugu fiican ee uu bixiyo maamulka Premier League.

Laakiin waqti yar kadib Pep Guardiola ayaa London kaga qayb galay xaflada abaal marinta sanadka ee tababaraha England ugu fiican ee ay bixiyo xidhiidhka tababaryaasha horyaalada England ee LMA Manager taas oo markale macalinka ree Spain uu gudoomay.

Kooxda Manchester City ayaa farxad wayn ka muujisay in tababaraha kooxdeedu uu isku darsaday labada abaal marinood ee England ugu fiican waxaana qoraal la soo dhigay barta twtterka ee Sky Blues lagu muujiyay sida ay farxad wayn ugu tahay in Guardiola uu hantay labadan abaal marinood.

Manchester City ayaa koobka Premier league ugu guulaysatay 100 dhibcood, 106 gool iyo 32 guulood oo Premier league ah waana rekoodho aan abid laga soo diwaan galin horyaalka heerka kowaad ama Premier league taas oo ku diwaan gashan magaca Guardiola.

Kadib markii uu Guardiola 24 saacadood ka hor ciyaartoyda kooxdiisa Man City iyo jamaahiirta Sky Blues uu wadooyinka Manchester kula dabaal degayay bus dusha ka furan oo koobka Premier league si wayn loogu dabaal degayay ayuu markale soo hooyay guulaha abaal marinaha macalinka horyaalka Premier League ugu fiican ee abaal marinta maamulka Premier League iyo waliba tan xidhiidhka tababarayaasha horyaalada England ee LMA Manager.