RASMI: Olivier Giroud Oo Qayb Ka Noqday Saddexda Xidig Ee Iskugu Soo Hadhay Goolkii Sanadka Ugu Quruxda Badaan Ee FIFA Puskas Award Iyo Xidig Afrika Taariikh Cusub U Sameeyay.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah uu dhawaaqay liiska saddexda ciyaartoy ee iskugu soo hadhay abaal marinta goolkii sanadkan 2017 ugu fiicnaa aduunka ee abaal marinta  FIFA Puskás Award 2017. Kadib codobixin la sameeyay waxaa meesha ka baxay ciyaartoy badan oo rajo ka qabay in ay ku soo bixi karaan liiska saddexda xidig ee ugu danbayn ka soo muuqan doona xaflada London ee ay FIFA abaal marinaha ku bixin doonto October 23.

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Arsenal ee Olivier Giroud ayaa qayb ka ah saddexda xidig ee mid ka mid ahi uu ku guulaysan doono abaal marinta FIFA Puskas Award 2017 ee goolkii ugu quruxda badnaa wuxuuna tartankan ugu jiraa goolkii dibqalooca ahaa ee uu ka dhaliiyay kooxda Crystal Palace ee horaantii sanadkan.

Cobixintii ay FIFA hore u samaysay ayaa maanta oo isniin ah ee October 9 waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in  Deyna Castellanos, Olivier Giroud iyo Oscarine Masuluke ay yihiin saddexda ciyaartoy ee goolkii ugu fiicnaa ku loolami doona waxaana markale loo samayn doonaa codbixin saddexdooda u dhexaysa.

Gabadha ree Venezuela ee Deyna Castellanos ayaa tartanka goolka ugu quruxda badan sanadkan 2017 ugug jirta gool layaableh oo ay ka dhalisay tartankii da’yarta dumarka aduunka ee FIFA U-17 Women’s World Cup kaas oo ka qabsoomay dalka Jordan, waxayna goolkan ka dhalisay kala badhka garoonka isla markii ay kubbada isku taabteen iyada oo si aan la rumaysan karin goolkan u dhalisay.

Haddii aan soo qaadano goolka uu Giroud tartanka ugu jiro waxa uu ka dhaliyay goolhayaha kooxda Crystal Palace ee Wayne Hennessey kadib markii uu kubbad ka helay Alexis Sanchez laakiin qaabka uu Giroud goolkan ku dhaliyay iyo in uu isaga oo sii dhacaya cidhib danbeed qaabka dibqalooca ah uu ku dhaliyay ayaa aduunka indhiisa qabtay.

Goolhahaya ree South Africa ee Oscarine Masuluke ayaa noqday xidigii abid ugu horeeyay ee qaaramada Afrika ka soo jeeda ee soo gaadhay saddexda ciyaartoy ee ugu danbeeyay ee goolka sanadka ku tartamaya, waxaana waliba layaableh in uu goolhaye yahay balse ma rumaysan kartid goolka uu abaal marintan ugu tartamayo iyo qaabkii uu ku dhaliyay.

Goolhaye Oscarine Masuluke ayaa indhaha aduunka ku qabsaday gool laba lugoodley ahaa oo kooxdiisa Baroka FC ugu keenay goolka barbaraha kulankii ay wada ciyaareen Orlando Pirates iyada oo sida caadada ah ay goolhayayaashu soo weeerar tagaan marka ay ciyaartu dhamaanayso si ay kooxdooda qof dheeraad ah garoonka ugu siiyaan laakiin goolkan ayaa xaq u yeeshay in uu Masuluke taariikh cusub ugu abuuray Afrika oo dhan.

Haddaba Halkan Ka Daawo goolka uu goolhaye Masuluke ku noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee Afrika ah oo ku soo baxay saddexda xidig ee goolka aduunka ugu fiican iskugu soo hadhay.

Comments

comments